Wareegto kasoo baxdey xafiiska Wasaarada Amniga & Warfaafinta dowladda Puntland ayaa gabi ahaanba Idaacadaha FM-ka ee ka howlgala cariga Puntland lagu wargaliyey ineysan baahin karin laanta Af-Somaliga VOA barnaamijyadeeda.
Qoraalkaan ayaa lagu sheegey in Idaacada VOA laanteeda Af-Somaliga noqotey mid abuureysa amni darro ka dhacdA maamulka Puntland oo xasiloonan ku caanbaxey iyaga oo waresiyo ka qaadey dad aan mas'uuliyad iyo in wax la weydiiyo u qalmin kuwaasoo sheegtey in xafiisyo siyaasdeed ka furteen xarunta dowladda ee Garowe.
Dowladda Puntland ayaa dhinaca kale ku tilmaantey nasiib darro in Idaacadda VOA laanteeda af-Somaliga xubnaha ka ah madaxda ay niyad jab ku rideen shacabka Puntland kadib markii ay ka qayb qaateen ama mid noqdeen siyaasadaha is-qab-qabsiga ku saleysan ee Somalia.
Wareegtadan mid ka horeysay ayaa lagu xusey in Wariyeyaasha Idaacadda VOA laanteeda Af-Somaliga kuwooda ka howlagala Puntland aysan dirri karin wax war ah.
Talaabadan ay qaadey dowladda Puntland ayaa waxaa wararku sheegayaan in daba socoto khilaaf isa-soo tarayey ee u dhexeeya madaxda xafiiska laanta Af-Somaliga VOA kaas oo salka ku haya in shaqaalaheedu xilalka loogu qaybin qaabka siyaasadeed ee Somalia u dhigantey kaas oo sababey in dagaal sokeeye wadanka ka socdo muddo 20 sano ah.
Goáanka dowladda ayaa ah mid aan sameyn ku yeelan qaybta af-Ingriiska ee VOA taas oo Idaacadaha baahiyaha laanteeda Af-Somaliga qaarkood sii daayeen maanta 2 Oct,2009.
Radio Garowe oo baahin jirey Idaacadda VOA laanteeda Af-Somaliga ayaa kamid ah kuwa saameynta uu ku yeeshey go'aankaan iyada agaasinkooda u hogaansameen amarkaan.
Idaacadaha kale ee FM ee Puntland ayaa sidoo kale gabi ahaanba saakey baahin Idaacadda VOA laanteeda Af-Somaliga.