Hawl-gala Aad U Balaadhan oo Lagu Bannaynayey Xarumihii Dawlada oo maanta Laascaanood Laga Fuliyey


Laascaanood (AllPuntland)– Hawlgal aad u balaadhan oo ay hogaaminayeen Taliyaha ciidanka Booliska Puntland G/sare Cabdirisaaq Afguduud iyo Gudoomiyaha Gobolka Sool Ibraahim Jammac Daad oo lagu banaynaayey xarumihii dawlada ayaa maanta laga fuliyey magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Hawlgalkan ayaa waxa ka qayb qaatay dhamaan ciidamada daraawiishta iyaga oo ku hubaysan hub aad u culus, waxaana saaka lagu waa bariistay oo labaneeyey Xaruntii gobolka, Qaybtii Booliska gobolka, iyo waliba xarunta daryeelka hooyada iyo dhalaanka, xarumahan oo mudo sadex iyo toban sano ah lagu jiray , ayaanay ciidamada qalabka sidaa, wax iska caabin ah kala kulmin .

Waxaa iyagana digniin la siiyey dadkii ku jiray xarumaha kale ee dawlada waxaana loo qabtay in ka yar afar iyo labaatan saacadood, goobahaasna waxaa ka mid ahaa, Xarunta wasaarada Gaadiidka, xarunta Degmada Hoose, xafiiska Ururka Hooyooyinka, xafiiska Ururka Dhalin yarada, Rugta Ganacsiga,xarunta Maxkamadaha, xafiiskii Boostada iyo Isgaadhsiinta, Gurigii Guddomiyaha Gobolka oo uu ku jiray qoyska Wasiiru-dawlaha dib-u-dajinta maamulka iskii isu magacaabay ee Somaliland Yassin Xiir(Faratoon) ,Gaaroonka Kubada Kolayga, iyo Golaha Murtida iyo Madadaalada, goobahan ayaa iyagu isugu jiray kuwo la deganaa iyo kuwo meherado lagu ganacsado laga dhigay, sida garaashyada gawaadhida iyo warshadaha albaabada lagu sameeyo.

Dhamaan dadka halkaa ku jirayna waxaa si toos ah ula hadlayey Gudoomiyaha gobolka iyo Taliyaha Ciidanka Puntland, iyaga oo u sheegayey in aan marnaba loo dul qaadan doonin in lagu jiro guryo ay dawladu leedahay.

Taliyaha Ciidanka Booliska PUNTLAND G/sare C/risaaq Afguduud wuxuu sheegay mar uu u waramaayey shabakada allpuntland in aanu hawlgalkani noqondoonin mid ku kooban xarumaha dawlada oo kaliya ee wadooyinka lagu habsaday la furidoono, wuxuuna ugu baaqay dadka iyagu goostay wadooyinka magaalada in ay sida ugu dhaqsaha badan uga kacaan wadooyinkaasi, wuxuuna istaasi ku daray in ay hawlgalkani yahay mid dadweynaha loogu danaynaayo, oo qofkasta oo deegaanka ahi dani ay ugu jirto in la helo nabad iyo kala danbayn.

Wuxuuna taliyuhu intaasi raaciyey in barito oo Axad ah Xarumaha hadhay iyagana gacanta lagu dhigi doono, wuxuuna dadweynaha ka codsaday in ay garab ku siiyaan arrintaasi.

Guddomiyaha Gobolka Ibraahim Jaamac Daad oo isaguna la hadlaayey warbaahinta ayaa u sheegay in sida ugu dhaqsaha badan xarumahan loogu wareejindoon hay'adihii ka hawl gali jiray oo dhamaantood guryo kiro(ijaar) ah ku jira, wuxuuna intaasi ku daray in uu isagu barito oo Axad ah xarunta Gobolka ee la baneeyey ka hawl galidoono.oo uu fadhisandoon.

Dadweynaha Magaalada ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen hawlgalkan ay fuliyeen Ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxaadna magaalada Badhtama heeda ku arkaysaydadweyne aad isugu soo baxay oo usacaba tumaya hawlgalkan.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska ee Puntland waxa kale oo ay gacanta ku dhigeen dhuumo gaadhaya 50, oo ay lahayd wakaalda biyaha ee Degmada Laascaanood, ka dib markii la ogaaday meel lagu qarinayey, si loo iibiyo, dhuumahan ayey wakaalada Biyaha ee degmadu dhawaan ka heshay , wakaalada Biyaha ee Puntland.

Asad Cadaani Ibraahim

AllPuntland, Laascaanood
- Saturday, December 27, 2003 at 14:40 -

Published: Source: allpuntland.com

Related Articles