Shir jaraa'id oo uu 2 August,2009 xafiiska dhexe ee xisbiga Kulmiye ku qabtay Gudoomiye xigeenka 1aad ee Kulmiye Md. Muse Biixi Cabdi ayuu ku sheegay in ay gabi ahaanba joojiyen wada shaqayntii ka dhaxaysay gudiga dorashoyinka ee Somaliland maadama oo buu yidhi ay ka baxeen dhex dhexaadnimadii iyo garsoorkii ay u hayeen dhamaan dhinacyada ay ka dhaxayso doorashadu.
"Waxana uu sheegay in dhamaan xubnaha haatan ee gudida doorashooyinku ay yihiin kuwo lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen bulshada somaliland iyo dadka daneeya arrimaha dimuqraadiyada", ayuu yiri isaga oo saxaafada la hadlaya.
Shirka jaraa'id oo uu Muuse Biixi ka akhriyay qoraal ayaa halkaasi ka sheegay dhowr sababood waxana ka mid ahaa:
1. In Xisbiga Kulmiye taageersan yahay natiijadii ka soo baxday Server-ka .
2. Xisbiga Kulmiye inuu aad u diidan yahay go’aankii Komishanka Qaranku ku laalay liiskii cod-bixiyeyaasha ee ka soo baxay Server-ka.
Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka taagan muran aad u adag oo kala qabiyay dhaman hay'adihii kala duwanaa ee dawliga ahaa, kuwaasoo noqdey dhinacyo iska soo horjeeda.
Dhinacyadaan ayaa kala ah kuwo taageersan in doorashada lagu galo toos oo ah diwaan gelin la'aan iyo halka dhinaca kale doonayaan in la raaco natiijadii ay soo saartay hay'ada Inter Peace.
Somaliland ayaa horey ugu goodiyey in Somaliland uu ka hirgalin doono doorashooyin xisbiyo badan ka qayb galaan taas u muuqata mid mamulka Riyaale ka cagajiidayo fulinteeda.
Maxamed Jamaal