Dowladda Yemen oo gacan ka geysatay baxsashada 23 Masaari ah oo la socday Doomo Kalluumeysi oo lagu heystay Xeebta Laas Qoray


Dowladda Yemen ayaa gacan ka geystay in ay xoriyaddooda dib u helaan 23 nin oo Masar u dhashay, kuwaasi oo la socday labo Doomood oo nooca kalluumeysiga ah oo lagu qafaashay xeebaha Laas qoray bishii April ee sanadkan.

23ka Nin ee ka baxsaday Burcad Badeedka ayaa xoriyaddooda dib u helay iyadoo aaney jirin wax dhaawacyo ah oo soo gaaray kaddib markii ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah hubkii ay heyteen kooxihii burcad badeedka ahaa ee heystay, waxayna gaareen iyaga iyo Doomahoodii oo bed qaba Dalka Yemen, halkaasi oo ay uga sii amba bixi doonaan Dalka Masar.

Saraakiil u hadlay Safaaradda Masar ee ku taalla Dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in kalluumeysatadaas iyo doontii ay wateen ay xoriyadooda dib u heleen, isla markaana ay ku wajahan yihiin Dalkooda hooyo ee Masar.

Kalluumeysatadan oo si farsameysan uga baxsaday Burcad Badeeddii af-duubatay ayaa waxay horay u sii kaxeysteen dhowr nin oo ka tirsanaa kooxihii heystay, sidoo kalena waxay dhimasho iyo dhaawac u geysteen rag kale oo ka tirsanaa kooxaha heystay.

Dowladda Masar ayaa ku ammaantay dowladda Yemen dadaalka ay gelisay sidii ay xoriyaddooda dibugu heli lahaayeen kooxahaas burcad badeedka ah. mar sii horreysayna kooxaha burcad badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya waxay sii daayeen Doon laga leeyahay Dalka Malaysia iyo shaqaale saarnaa kaddib muddo 7 bilood ah oo ay heysteen. ma jirto faah-faahin laga hayo in madax furasho lagu sii daayay doontaas iyo shaqaalaha saarnaa iyo in bilaash lagu sii daayay.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles