Maamul Goboleed Cusub oo Maanta Looga Dhawaaqay Degaanada Puntland


Wararka naga soo gaaraya degaanka Puntland ayaa sheegaya in mid ka mid ah beelaha dega nawaaxigaasi ay maanta kaga dhawaaqeen maamul goboleed cusub oo la magac baxay Caseyr-and, kaas oo ay sheegeen matali doono shan Degmo oo ku taala gobolada W/Bari oo qaarkood ay ka mid yihiin Caluula, Gar-adag, Baargaal iyo degaano kale.

Odayaasha dhaqanka oo maanta soo saaray Waxsaxaafadeed lagu caddeynayo maamul goboleedkaasi ayay ku sheegeen inay ugu baaqayaan dadka la degan degaanada Puntland inay kula noolaan doonaan si nabadgelyo ah beelaha kalena ay ugu baaqeen inaysan u arkin wax lidi ku ah, Warsaxaafadeedkaasi ayaa sidoo kale lagu sheegay in ku dhawaaqidda maamul goboleedkani ay ka dambeysay shir ay yeesheen siyaasiyiita, Waxgaradka, Isimada iyo Aqoonyahanada beeshaasi, taasoo ka dambeysay bay yiraahdeen kaddib markii ay kalsoonida kala laabteen xukuumada Puntland ee uu hoggaamiyo Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ku dhawaaqista maamul goboleedkan cusub ayaa la filayaa inay ka mid noqoto caqabadaha horyaala xukuumada Col. C/llaahi Yuusuf oo wixii ka dambeeyay tan iyo markii uu xeelada Milateriga uga fara maroogsaday maamulkii Jaamac Cali Jaamac iyo ku dhawaaqista xukuumadan oo iminka murano siyaasadeed u dhaxeeyaan.

Dhinaca kale Guddoomiyihii Gobolka Bari Md. Ibraahim Xasan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) ayaa maanta si KMG ah xilkii Gobolka ugu wareejiyay Md. Yuusuf Muumin lana wareegay xafiiskii iyo qalabkii yiilay xaruntii gobolka, sidoo kale waxaan weli xilkiisii wareejinin Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Col. C/llaahi Mire iyadoo aan la ogeyn sababaha ka dambeysay

Published: Source: somaliuk.com

Related Articles