Madaxweynaha PL oo la kulmey jaaliyada Minnesota


Madaxweynaha Puntland iyo waftigii uu hogaaminyey ayaa xaley 29 June,2009 ka qayb galey xaflad casho ah oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Qurbajoogta Puntland [ Puntland Diaspora Forum] tasoo ka dhacdey Hotel Hilton oo ku yaal Bartamaha magaalada Minneapolis.

Xafladan casho oo ay kasoo qayb galeen jaliyada reer Puntland ee ku nool Minnesota iyo marti sharaf kale oo ay kamid yihiin masúuliyiin ka socota gobolka [ Minnesota] kuwaasoo tiradooda kor u dhaafeysay 300 oo qof.

Furitanka kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay xogwarano ku saabsan socdaalkii wafdigu ku yimid Washington iyo kulamadii kala gadisnaa ay la qaateen masúulyiinta ka tirsan hay'adaha dowliga ah ee Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirka qorsheynta xiriirka caalamiga ah ee Puntland oo ka hadley munaasabadaan ayaa sheegey in maamul cusub ku guuleystey inuu dib u dhiso hay'adihii dowliga ah kuwoodii ugu muhimsanda sida ciidamada, Maliyada iyo arrimaha bulshada. Waxay kaloo Wasiirada xuseen sida ay lagama maarmaanka u tahay tabagalinta nidaamka xisbiyada badan iyada oo maamulka cusub ku guleysay meel marinta Dastuurka cusub.

Amb.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah Gudoomiyaha Golaha Qurba joogta Puntland [ Puntland Diaspora Forum] oo ka hadley sida ay lagama maarmaanka u tahay isku xirka qurba joogta Puntland iyo MGPL iyo kor u qaadida sumcada Puntland [ Puntland International Profile]. Gudoomiyaha Golaha Qurba joogta Puntland Amb.Cabdulahi Cabdi Xaashi ayaa ku soo dhoweeyey hadalka Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole oo halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadley doorka maamul goboleedka Puntland ka jiro xal u helida dhibaatada ka taagan Somalia gaar ahaan Konfurta iyo qaybo ka tirsan gobolada dhexe isaga oo xusey in Somalia isugu imaan karto oo kaliya nidaamka Federaalka.

Mr.Farole ayaa jaaliyada ka codsadey iney ka qayb qaataan dib-u-dhiska Somalia gaar ahaan maamul goboleedka Puntland isaga oo xusey iney uga qeyb qaadan karaan siyaabo kala duwan, sida dib u dhiska hay'adaha ku mashquulsan arrimaha bulshada [ Iskuulida, xarumaha caafimaadka].

Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Puntland.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles