Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland ee Somalia Gen. Cabdisamad Cali Shire oo maanta [June 26] ka hadley xaflad lagu qabtey Xarunta Madaxtooyada DGPL ee Magaalada Garowe islamarkaana lagu maamuusayey Munaabadda 26ka Juun oo ah xilligii ay xornimda qaateen gobollada Waqooyi Galbeed ee Somalia oo ku beegan maanta oo kale ayaa sheegey in munaasabadan ay tahay mid qiimo weyn ugu fadhida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isagoo ku tilmaamey taariikhiyan mid aan la ilaawi karin maadaama ay tahay markii ugu horreysey oo Calan Soomaaliyeed laga taago meel ka mid ah dhulka Somalia uuna ugu hambalyeynayo shacabka Soomaaliyeed goob kasta oo ay Dunida kaga suganyihiin.
Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenkaka PL ayaa intaasi ku darey iney tahay wax laga xumaado waqti xaadirkan Dal iyo Dad Xornimadooda iyo midnimadooda si ay helaan usoo dagaallamey Qarniyo badan ka hor misina ku dhowaad konton sanadood waqti laga joogo qaadashada Madax bannaanidooda halgan dheerna soo wada galey ay iminka noqdaan kuwo aan meel qura kuwada heshiin karin islamarkaana ay colaad xoogan kala irdheysey.
Gen. Cabdisamad ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan soo celinta nabadda iyo xasilloonida si loo joojiyo colaaddda dhiiga boqolaalka kun ee Shacabka Soomaaliyeed uu ku daatey loona baahnayahay inta ka hartey shacabka in la samatabixiyo.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka hadley xilli maalintan 26ka Juun Maamulka Waqooyi Galbeed oo la magacbaxay Somaaliland ay naqdiyeen iyagoo ku tilmaamey maalintan mid u horseedey dhibaatooyin burbur ayna ku qaldanaayeen la midoobiddii Koonfurta haataanna ay yihiin wadan gooni ah.
Waxuu kaloo sheegey in dhibaatooyinka ay u cuskadeen ka go'itaankooda Somalia ay tahay mid aan iyaga u gaar aheyn ee ay la qabaan Shacabka Soomaaliyeed oo idil uuna ka xunyahaya ama nasiib darro ay tahay in siyaasiyiin badan oo Soomaliyeed ay wali ku fakarayaan kala qeybinta Somalia iyagoo og buu yiri Soomaaliya aaney sinaba u kala go'i karin Caalamkana uu Somalia u yaqaanno hal wadan oo kaliya isagoo ugu baaqey maamulka Somaliland ee Somalia iney ka waantoobaan u gurbaan tumista kala qeybinta Somalia.
Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegey in Puntland ay sadhig iyo astaan u tahay Baadi goobka, Midnimada iyo Xasilloonida Somalia middaasina ay caddeyn u tahay in Madaxweynaha DGPL Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu haatan ku suganyahay dalka Mareykanka islamarkaana isaga kaliya uu ka qeyb galay shirka looga hadlayo danaha Somalia iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka isagoo intaasi ku darey in Madaxweyne Faroole uusan u maqneyn kaliya danta Puntlnd ee geed dheer iyo mid gaabanba u uu fuulayo xakameynta colaadaha Somalia.
Guud ahaan gobollada hoos taga Maamulka Puntland ayaa maanta si weyn si weyn looga xusey munaasabadda 26ka Juun oo ku beegan calansaarkii Somalia 1960kii ka gadaal markii Gobollada Waqooyi Galbeed ee Somalia ay ka xoroobeen gumeysigii Ingriiska.
Shacabka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa maanta iyagu waxa ay ahaayeen kuwo isugu hambalyenaya munaasabadda maalintan xilli albaabada ay isugu laabeen inta badan goobohoodii ganacsiga waxaana xarumo fara badan oo ay ugu horreyso Xarunta Madaxtooyada PL maanta lagu qabtey xaflado lagu weyneynayo qiimahaha maalintan oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.