C/qaasim “Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo�


Soomaaliya oo weli dagaallo xoogan ay kajiraan ayaa waxa aanu jirin illaa iyo hadda cid si rasmi ah u soo kala dhexgashay kooxaha dagaalamaya si ay u heshiisiiyaan.

Dhibaatada lagu dhexgeli waayay ayaa lagu sheegay kadib markii koox waliba ay sheegeen in aysan kooxda kale lahadleynin isla markaasina ay kahortagi doonaan wax waliba oo ay wadaan oo Ammaanka dalka wax u dhimaya.

Hadaba markii ugu horeysay waxaa dadaal nabadeed bilaabay Madaxweynihii Dowladdii TNG-da Dr.C/qaasim Salaad Xasan oo kusugan magaalada Qaahira isaga oo sheegay in uu la hadlay Madaxweynaha dowladda TFG-da Sheekh Shariif sheekh Axmed isla markaasina uu ka ogolaaday wax waliba.

Sidoo kale Kooxaha Mucaaradka ayuu sheegay in uu dad u diray isla markaasina uu la hadlay Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaana uu qiray in weli jawaab rasmi ah uusan ka helin hayeeshee uu u sheegay in ay isla arki doonaan waxa uu wado.

Dadaalladani uu wado Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa ah kuwa haddii ay suuragal noqoto oo war la iska maqlo miro dhal noqon doona hayeeshee kooxaha Mucaaradka ayaa iyagu had iyo jeer sheega in aysan marnaba wax wadahadal ah lageli doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya inta dalka ay Ciidamada Shisheeye joogaan.

“Way jirtaa waan waan aan wado lakin bisha Ramadaanka umadda haloo turo� ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan isaga oo intaasi ku daray in bisha ramadaanka isaga oo fadligiisala tixgelinayo shacabka loo turo.

Soomaali aad u fara badan ayuu sheegay in ay ku dhibaateysan yihiin duleedka Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa maadaama bisha ramadaanka ay tahay bil barakeysan.

Bisha Ramadaanka ayuu xusay in uusan aheyn bil dagaal lana doonayo in laga shaqeeyo dadkani dhibaateysan sidii wax loogu qaban lahaa oo aanu laga shaqeynin sidii loogu kordhin lahaa dhibaatada loo geysanayo.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles