Talaado, September 16, 2003 - Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in C/qaasim Salaad Xasan oo madax ka ah TNG-da uu ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u bur buray shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda dalka Kenya, isaga oo mas'uuliyadda arintaasna dusha uga tuuray Kiplagat iyo Dowladda Itoobiya.
C/qaasim waxaa uu sheegay in shirka uu marin habaabiyay Kiplagat oo ka shidaal qaadanaya dowladda Itoobiya oo sida uu yiri aan dan ka lahayd dowlad ka dhalata dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay C/qaasim in ansixinta deg degta ah ee lagu sameeyay axdiga qabyada ah laga lahaa ujeeddo gaar ah oo ahayd in Kiplagat oo safar ugu socday magaalada Brussles ee dalka Belgium uu kaga soo dawarsado dhaqaale madax ka socota ururka Midowga Yurub oo halkaas shir ku leh, isaga oo dhahaya shirkii Soomaalida ayaa u gudbaya wejigiisii seddexaad ee hala i siiyo dhaqaale aan ku sii wado.
C/qaasim waxaa uu intaas ku daray in qalad kan oo kale ah la galay 5-tii bishii Juun, xiligaasoo sidan oo kale loo ansixiyay qodobo aan la isku waafaqsaneyn, iyadoo sababtaasna uu lahaa Kiplagat oo u deg degayay shir ka dhacayay magaalada Mabuto ee dalka Mozambique oo ay ku kulansanaayeen madaxda dalalka ururka Midowga Afrika.
C/qaasim waxaa uu tilmaamay in shirka dib u heshiisiinta uu weli ku socdo dhabihii uu ku socday markii ay ka baxayeen kal hore, isaga oo carrabka ku dhuftay in ay adduunweynaha u sheegeen in shirka dib u heshiisiinta uu si rasmi ah u bur buray, iyadoo mas'uuliyadda arintaasna ay leeyihiin guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD Danjire Kiplagat oo ka talo qaadanaya xukuumad ka mid ah dalalka safka hore oo ah dowladda Itoobiya.
Laakiin waxaa socda wada hadallo u dhaxeeya wafdiga C/qaasim iyo wakiillada beesha caalamka oo kulan isugu imaan doona saakay 10-ka subaxnimo, iyaga oo ka wada hadlaya sidii loo badbaadin lahaa shirka dib u heshiisiinta, inkastoo aaney muuqan in wakiilladu ay wafdiga C/qaasim u keeni karaan sabab ay ku qancaan oo ay ku sii joogaan Nairobi, bacdamaa iyaga oo xaadir ah lagu dul ansixiyay axdi sida ay sheegeen aaney war u heynin waxa uu dhigayo
Si kastaba, Ansixintii dastuurka ee shalay waxaa ka maqnaa hoggaamiyayaasha kala ah C/qaasim Salaad Xasan, Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Cusmaan Xasan Cali (Caato), Col. C/risaaq Isaaq Biixi, Col. Axmed Cumar Jees iyo wakiillada Muuse Suudi, iyadoo ay suurtagal tahay in ay ku soo biiraan xubno kale oo saluugsan qaabka loo ansixiyay dastuurka, haddii ay taasi dhacdana shirku waxaa uu geli doonaa xalad aanan laga badbaadin karin in uu fashilmo oo lagu kala dareero, waxaase ayaandarro inteeda la eg ah in shir loo fadhiyay muddo 11 bilood ah uu aakhirkii la mid noqdo webi bacaad ku dhamaaday, xili ay dadka soomaaliyeed intiisa badan ka dhowrayeen dowlad ka soo baxda.