Qaar ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidamadii Soomaaliya oo todobaadka soo socda seminar ku saabsan amniga Soomaaliya loogu qabanayo Washington


Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay seminar isugu keenayaan Saraakiil hore oo ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka arrinsan doona sida xal nabadeed loogu heli karo dalka Soomaaliya.

Warbixin laga soo saaray Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in seminaarkaas oo socon doona 1-5-ta August 2009 uu la xiriiro shir ay saraakiishan horay ugu soo yeesheen bishii June 2009 isla magaalada Washington.

Saraakiishan ayaa inta ay seminaarka ku jiraan waxay doodi doonaan taariikhda Ciidanka Ammaanka Soomaaliya iyo sidii dib loogu soo qaabeyn lahaa, loona xoojin lahaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

“Iyadoo la xoojinayo geedi-socodkii nabadeynta Soomaaliya ee Jibouti, tani waxay fursad u tahay Hoggaamiyayaashii Ciidamada Mileteriga Soomaaliya in ay talo ku yeeshaan dib u dhiska Qarannimadii Soomaaliya�sidaasi waxaa yiri Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliay Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo seminaarkan qaabeyntiisa u jooga Magaalada Washington.

Seminaarkan loo qabanayo Saraakiishii hore ee Ciidamada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan go’aan wax ku ool ah oo ku saabsan sida loo xasilin karo xaaladda dalka Soomaaliya oo muddo 19 sano ah qas iyo jaha-wareer ku jirta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis)

Published: Source: hiiraan.com

Related Articles