Masar oo dhexdhexaadinayso Sharif iyo Aweys


Hogaamiyaha ururka Xisbul Islam Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah mucaaradka dowlada Somalia ku kacsan ayaa la sheegay inuu aqbalay in dhexdhexaadin laga dhex bilaabo isaga iyo madaxda dowlada Somalia.

Ilo dublamaasiyadeed ka tirsan xukuumada Masar ayaa sheegay in hadal dhexmaray Sh. Aweys iyo Madaxda dalkaas ay iskula garteen in la bilaabo kulamo qarsoodi ah oo la isugu keenayo Madaxweyne Sh. Shariif iyo hogaamiyahan mucaaradka ah.

Sidoo kale, xubno ka tirsan Xisbul Islam ayaa sheegay inay jiraan kulamo dhanka taleefoonka ah oo dhexmaray hogaamiyahooda iyo madaxda dalka Masar, kuwaasoo ku aadan in la qabto shir la isugu keenayo dowlada iyo kooxaha ka horjeeda.

"Gudoomiyaheena, wuxuu aqbalay heshiis walba oo lagu dhameynayo dagaalada ka socda Muqdisho iyo dalka intiisa kale, lagana gaaro heshiis waafi ah" ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xisbul Islam oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.

Dowlada Masar ayaa dhawaan soo bandhigtay hindise lagu qabanayo heshiis la isugu keenayo dowlada Somalia iyo mucaaradka ka horjeeda, si loo baajiyo dhiig dambe oo ku daata dagaalada u dhexeeya Islaamiyiinta iyo dowlada Somalia.

"Sh. Aweys, wuxuu aqbalay inuu la heshiiyo Sh. Shariif oo ay saaxiibo ahaayeen, mana jirto wax shuruudo ah oo uu ku xiray la kulankiisa" ayaa laga soo xigtay siyaasi Masri ah oo diiday magaciisa.

Wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta ee Afrika Mr. Samiir Xusni oo saxaafada kula hadlay Qaahira ayaa isaguna sheegay in qarashka ku baxaya shirka lagu dhexdhexaadinayo dowlada iyo mucaaradkeeda ay ogolaadeen dalalka Carabta.

"Qarash walba oo ku baxaya shirka ay wado dowlada Masar ee lagu dhameynayo khilaafaadyada sababay dagaalada ee ka jira Somalia, waa la ogolaaday" ayuu yiri Samiir Xusni oo intaas ku daray inaysan jirin wax caqabad ah.

Xukuumada Masar ayaa waxay sheegtay in dowlada Somalia ay ogolaatay in lala heshiisiiyo mucaaradkeeda, balse waxaan weli jirin wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-shabaab oo ah mida ugu awooda badan mucaaradka ka horjeeda DF.

Published: Source: garoweonline.com

Related Articles