206 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya oo galabta la dhaariyay


Axad, August 22, 2004
Xiis & qalanjo, Hiiraan Online



206 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka Federaaliga ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in galabta la dhaariyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu ay dhan tahay 206 mudane, iyadoo munaasabadda xafladdii lagu dhaarinayay ay ka dhacday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, waxaana dhaartaasi goob joogayaal ka ahaa wasiirrada urur goboleedka IGAD, wakiillada beesha caalamka ee la mataaneysay IGAD iyo ergooyin kale oo ka socday beesha caalamka oo aad u daneynaya arrimaha Soomaaliya.

Markii ay dhaarinta dhamaatay kadib ayaa waxaa xildhibaanada la hadlayay qaar ka mid ah wasiirrada IGAD oo ay ka mid yihiin wasiirrada dalaka Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaasi oo u sheegay xildhibaanada cusub in ay noqdaan kuwo ku shaqeeya cadaalad iyo musuq maasuq la'aan maadaama bey yihiin hay'addii sharci dejinta oo ah tan ugu sareysa awood ahaan dowladda federaaliga ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay xubnihii maanta la dhaariyay in aysan hoos u eegin 69-ka mudane ee ka harsan 275-ka mudane ee uu ka kooban yahay golaha baarlamaanka cusub oo markaasina ay qeyb lixaad leh ka qaataan sidii loo soo dhameystiri lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti Md. Cali Cabdi Faarax ayaa si gaar ah ugu sheegay xubnihii xildhibaanada ahaa ee galabta la dhaariyay in ay hor taalo howl adag oo ay ugu horeyso soo celinta sharaftii iyo karaamadii Ummadda Soomaaliyeed oo uu tusaale ugu soo qaatay sharaf dhaca ku yimid aqoonsiga qarannimo ee Soomaaliyeed (baasaboorka) oo ah mid aan qiimo sidaas ah la heynin marka la eego waaxaha socdaalka Adduunka, wuxuuna ka codsaday in ay dhabar adeyg la yimaadaan si ay u samatabixiyaan Ummadda Soomaaliyeed oo waqti dheer dhibaato ku soo jirtay.

Haddii la dhaariyay inta badan xildhibaanada baarlamaanka micnaheedu ma ahan in si rasmi ah loo wada helay xubnaha baarlamaanka u gelaya dhamaan beelaha Soomaaliyeed, waxaana weli maqan kuwo uu khilaaf u dhaxeeyo oo xubnahooda ay muhiim u yihiin baarlamaanka la soo dhisayo oo ku saleysan qaab beeleed, waxaana ka mid ah beesha Daarood, gaar ahaan Hartiga oo siyaasiyiintooda aad ugu kala fog yihiin soo xulitaanka xubnahooda baarlamaanka, waxaana lagu soo waramayaa in is-heysadka u dhaxeeya beelahaas dartood aaney suurtagal ahayn in si deg deg ah loo soo doorto af-hayeenka ama guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana lagu dhawaaqay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka la qaban doono labo todobaad kadib, iyadoo xiligaas inta ka horeysana laga dalbaday beelaha uu weli khilaafka u dhaxeeyo in ay soo xaliyaan muranka iyo is-af-garan waaga u dhaxeeya, ayna soo gudbiyaan xubnahooda baarlamaanka.

Xafladdii dhaarta waxaa ka maqnaa hoggaamiye kooxeedyo ay turuq weyn yihiin C/qaasim Salaad Xasan iyo C/llaahi Yuusuf Axmed, kuwaasi oo hadal saxaafadeedyo ay soo saareen ku sheegay in aysan raali ka ahayn qaabka ay wax u soconayaan oo ula muuqda mid aaney ku jirin wax ay u yaqaaniin danta Ummadda Soomaaliyeed.

C/qaasim Salaad oo kale waxaa uu sheegay in lagu xadgudbay qodobo ka mid ah dastuurka federaalka ah ee ay horay u ansixiyeen ergooyinka Soomaalida, gaar ahaan qodobada tilmaamaya cidda iska leh soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka, wuxuuna sheegtay C/qaasim in wixii lagu heshiiyay wax aanan ahayn ay soo baxeen kadib markii soo xulista xubnaha baarlamaanka lala hareer maray hoggaamiyayaal muhim ah, wuxuuna eedda arrintaas dusha uga tuuray guddiga IGAD oo uu carabaabay in ay u dhego nuglaadeen hoggaamiyayaasha hubeysan oo sida uu aaminsan yahay ku shubtay odayaasha dhaqanka qaarkood, isla markaana soo magacawday xubno ay iyagu wataan, waxayna C/qaasim mar kale sii kala boodeen Guddiga IGAD markii la laalay codsi uu soo jeediyay oo ahaa in dib loo dhigo xafladda dhaarinta xildhibaanada.

Sarkaal ka tirsan ergada uu hoggaaminayo Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isaguna wuxuu ku doodayaa in aysan si cadaalad ah wax u dhaceynin, sidaas darteedna ay ka fiirsanayaan sii joogitaankooda shirka dib u heshiisiinta, isagoo caddeeyay in ay ka dhur sugayaan waxa ka soo baxa wada hadallo aan cago badan ku taagneyn oo u socda iyaga iyo IGAD.

Si kastaba, waxaa galabta la dhaariyay xubnaha golaha baarlamaanka dowladda cusub ee Soomaaliya oo muddo labo sanadood ku dhow lagu foolinayay magaalada Nairobi, kuwaasi oo marka ay soo dhameystirmaan soo dooran doona guddoomiye baarlamaan, kadibna waxay u sii codeyn doonaan madaxweynaha dowlad Federaali KMG ah oo muddo shan ah oo kala guur ah ka shaqeyn doonta dalka Soomaaliya, kaasi oo isagana soo magacaabi doona Ra'iisul wasaare soo dhisaya gole wasiirro oo howsha dowladdaas dhaqaajiya, waxayna dadka Muqdisho oo aad u dhowraya dowladda ka soo baxeysa shirka dib u heshiisiinta ay soo dhaweeyeen dhaarintii xildhibaanada, waxayna inta badan taageersan yihiin oo ay aad ugu hamuun qabaan dowlad 14 sano oo dagaallo, cudurro iyo abaaro ah kadib ka shaqeysa dalka Soomaaliya, taasi oo u soo nooleysa adeegyo badan oo ay la' yihiin.

By: Xiis iyo Qalanjo
Hiiraan Online
Nairobi iyo Mogadishu

Published: Source: hiiraan.org

Related Articles