Muqdisho(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Dayniile asagoo usii jeeda magaalada Nairobi.
Safarka Shariifka ayaysan jirin cid saxaafadda uga warantay ,hase ahaatee wuxuu sheegay inuu magaalada Nairobi uga qayb galayo shir magaaladaasi uga furmaya baarlamaannada Afrika.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa saacado kadib gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, asagoo ka dagay garoonka diyaaradaha ee Wilson Airaport ee magaalada Nairobi.
Warar aannu ka helnay magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu doonayo inuu magaalada Nairobi joogo dhowr maalmood .
Dhinaca kale intii uu kusugnaa guddoomiyaha baarlamaanka magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu aadi doono dalka Maraykanka , inkastoo xilligaasna uusan caddayn sababta uu u aadayo Maraykanka.
Ka sokow safarka Shariifka ee magaalada Nairobi waxaa uu dhawaantan isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya 27ka bisha Agoosto ,oo wax ka yar 10 casho ay ka harsan yihiin.
Isku soo wada duuboo safarka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa laga bixinayaa aragtiyo kala duwan , wararka la isla dhex marayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shariif Xasan uusan doonayn inuu dib ugu laabto Muqdisho , halka warar kalana ay sheegayaan inuu doonayo 7aad kadib inuu soo laabto.
CCC Farayaamo
AllPuntland