Col. C/llaahi Yusuf Axmed oo noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya


Isniin, October 11, 2004

Col. Cllaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay loo doortay in uu madaxweyne ka noqda dalka Soomaaliya muddo shan sano oo KMG ah, wuxuuna xilkaas ku hantay 189 cod, halk musharixii ku soo xigay ee uu ka guuleystay oo ahaa Dr. C/llaahi Axmed Caddow uu isna kasbaday kalsoonida 79 mudane oo codadkooda siiyay.

Natiijada oo ahayd mid aad loo wada sugayay tan iyo shalay subaxnimadii oo xildhibaanada golaha baarlamaanka la isugu geeyay garoonka K/Cagta Kasarani ee magaalada Nairobi, si ay hal qof oo madaxweyne ka noqda dalka Soomaaliya ay uga doortaan 26 musharax oo isu soo mutaxay in ay xilkaas qabtaan, waxaana musharixiintaas oo 28 ahaa ka tanaasulay labada korneel ee kala ah Xasan Maxamed Nuur Shaati gaduud iyo Jaamac Cali Jaamac.

Haddaba, aan dib u qooraansanno qaabkii ay doorashada u dhacday. Dabcan waxay ahayd doorasho marka laga soo tago tii Carta taariikhi ah oo weliba aan dhihi karo waxay u dhacday si dimoqraadi ah marka loo eego sida wax loo kala hufay, waxaana taasi ku amaanan guddiga fududeynta IGAD iyo guddoonka sare ee golaha baarlamaanka, gaar ahaan ninka ugu sareeya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu tan iyo markii ay bilaabatay codeynta oo ku beegneyd 1-dii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah ilaa laga soo gunaaday oo ku aadaneyd 10-kii habeenimo aad ugu mashquulsanaa in aaney meesha wax musuq maasuq ah ka dhicin, runtiina taasi waa uu ku guuleystay, inkastoo mar uu ku sigtay in uu xildhibaanada ballan kale oo ay ku kala dooranayaan Col. C/llaahi Yuusuf iyo Dr. C/llaahi Axmed Caddow uu qabto, xiligaas waxay ahayd mar ay doorashada gebo gebo joogtay oo markaasina ay soo idlaatay codeynta wareegga seddexaad oo ugu dambeeyay, kaliyana la sugayo in codadka la tiriyo ayaa waxaa demay qeyb ka mid ah nalalkii ka darnaa garoonka, waxayna taasi keentay in ay qacdiiba soo baxaan warar sheegaya in deminta nalalka aysan ahayn cilad balse loogu talagalay in lagu wiiqo soo bixitaanka labada nin midkood, laakin dadaal loo galay in dib loo soo daaro nalalkaas ayaa lagu guuleystay, iyadoo intaas la iska daba war-wareegayayna uu guddoomiyaha baarlamaanka si xooggan ammaankooda u sugayay sanaadiiqda ay ku jireen codadka, waxaana la arkayay isagoo ay gacmahiisa dul saaran yihiin oo uusan xitaa ku aaminin mas’uuliyiinta kale ee kala tirsan guddoonka baarlamaanka.

Qadar daqiiqado ah kadib markii la soo daaray nalalkii ayaa dib loo bilaabay in codadkii la tiriyo, haseyeeshee waxaa dhacay wax la yaab leh, taasoo ahayd in Col. C/llaahi Yuusuf uu wareegga ugu dambeeyo uu musharaxa la tartamayay ee C/llaahi Axmed Caddow uu ku hoggaamiyo codad hal dheeri ka badan, waxaana la sii ogaaday intii ay tirinta codadka socotay in uu Col. C/llaahi Yuusuf noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga KMG ah ee Soomaaliya.

Markii tirintii codadka ay dhamaatay ayaa waxaa natiijada kama dambeysta ah ee doorashada ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in uu 179 cod ku guuleystay Col. C/llaahi Yuusuf, isla markaana uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, halka uu ka sheegay in uu isna Dr. C/llaahi Axmed Caddow ka helay 79 cod. Dabcan wuxuu korneelku kaga guuleystay musharixii la tartamayay codad labuu laab ka badan intii uu helay.

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed markii uu xaqiijiyay in uu yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayuu ku jeestay Dr. C/llaahi Axmed Caddow oo dhinaciisa bidix fadhiyay, waxayna isu salaameen oo ay isu dhunkadeen labada nin si laab furnaan ah, iyadoo kadibna korneelku u soo jeestay dhinaciisa kale, wuxuuna bilaabay guddoomidda hambalyooyin kaga imaanayay dhinaca xildhibaanadii doortay iyo kuwo aan dooran, hase yeeshee u muujinaya in ay raali ka yihiin madaxtinimadiisa, kadibna waxaa madaxweynaha u yimid xubno uu hor socday guddoomiyihii guddiga fududeynta IGAD ee shirka dib u heshiisiinta Danjire Bethuel Kiplagat, kaasi oo ula dhaqaaqay dhinaca meel loo diyaariyay in lagu maamuuso calanka soomaaliyeed, iyadoo uu kadibna C/llaahi Yuusuf gacantiisa ku saaray calanka Soomaaliyeed, halkaasna uu ku qaatay salaan sharaf ay bixinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo heesta calanka soomaaliyeed ku salaamayay madaxweynaha.

Kadib waxaa la geeyay Madaxweynaha kursigii uu ilaa saakay isha ku hayay, kaasi oo ay hor surnaayeen labo calan oo mid uu yahay calanka soomaaliyeed iyo mid aanan garan waxa looga dan lahaa oo midabo isku dhafan lahaa, waana hubaa in uusan ahayn calankii Kenya, markii uu madaxweynaha in door ah ku fadhiyay kursigii, misana uu dhinacyada eeg eegay ayaa waxaa halkiisa loogu keenay Dr. C/llaahi Axmed Caddow, si uu ugu hambalyeeyo, mar kale ayayna sidoo kale laabta isugu qabteen, iyaga oo wada qoslaya.

Dr. C/llaahi Axmed Caddow oo ay xalay u ahayd markii labaad ee looga guuleysto tartanka madaxweynenimada Soomaaliya oo uu weliba heerkan oo kale ka soo gaaray ayaa waxaa uu jeediyay khudbad uu ugu hambalyeynayay madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin howl kar ah oo ka soo bixi kara xilka loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in la doortay ninkii ugu mudnaa xilkan, isagoo weliba ka rajeeyay madaxweynaha cusub in uu soo celin doono qarannimadii iyo sharafkii Soomaaliyeed ee la tegay bur burkii dowladdii hore, wuxuuna caddeeyay in uu intii karaankiisa ah la shaqeyn doono oo uusan waxba ka hagran doonin.

Intaasi kadib waxaa cod baahiyihii la wareegay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ugu horeyn u mahadceliyay xildhibaanadii doortay ee sida uu yiri kalsoonidiisa siiyay, mas’uuliyiinta IGAD ee wasiirrada iyo safiirrada isugu jiray, wakiillada beesha caalamka ee shirka dhaqaalaha ku soo bixinayay iyo weliba Soomaalidii ka soo qeybgashay doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ayuu u mahadceliyay, kadibna wuxuu ballanqaaday in sida loo doortay ee kalsoonida loo siiyay uu uga shaqeyn doono sidii loo soo celin lahaa deganaantii dalka Soomaaliya, isla markaana dib loogu dhisi lahaa dalka.

“Anigu dadka isku dhaqan maahin, waan ka dhaqan gedisanahay, qaar baa habeen shaqeeya, qaarna waxay shaqeeyaan maalintii, anigu labadaba waan la shaqeyn doonaa ee meel iskama fariisan doono” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahiYuusuf Axmed, “waxay noqon doontaa labo arrimood midkood: in ay nafta iga baxdo aniga oo shaqada la iga sugayo si daacad ah u gudanaya oo howlkarnimo muujinaya iyo in aad ila shaqeyn weydaan oo aan wax qaban waayo, markaasina aan xilka aad ii dhiibteen aan dib idin kuugu soo celiyo, isla markaana aan idin iraahdo u dhiibta ciddii aad idinku dooneysaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

“Aad ayaan uga xumahay in aan caawa wada tartanno aniga C/llaahi Axmed Caddow oo yaraanteenii ilaa haatan aan saaxibo ahayn, saraakiil ciidamada ka tirsanna aan soo wada ahayn, taasi bedelkeed waxaan jeclaan lahaa in uu caawa ila tartamo qof kale oo aanan is-aqoonin” ayuu ku kaftamay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in tartankoodaas uu dhamaaday, haseyeeshee ay saaxibtinimada dhexdooda ah sideedii sii ahaan doonto.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa uu markaasi kadib ka codsaday dowladaha IGAD ee ay Soomaaliya ka midka tahay iyo beesha caalamkaba in ay ku garab galaan dowladda cusub ee Soomaaliya ee aan waxba heysan taageero diblumaasiyadeed, mid dhaqaale iyo weliba mid ciidan oo hubka looga dhigo maleeshiyooyinka hubeysan, isla markaana ay soo gaarsiiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya heer ay ammaankeeda ku sugi karto oo markaasina ay canshuuro ku qaadan karto.

C/laahi Yuusuf Axmed waa kuma?

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo waxaa uu dhashay sanadkii 1934-kii, wuxuuna waxbarashadiisii ku soo qaatay dalka Soomaaliya, waana nin leh aqoonta dhinaca ciidamada iyo weliba mid aan badneyn oo dhinaca sharciga ah, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin hal adag oo waxqabad leh.

Korneelka jagadaan loo doortay xalay in badan ayuu ku haminayay, wuxuuse isagoo 70 sano jir ah nasiib u yeeshay in uu madaxweyne ka noqdo dal bur bursan oo aaney madaxweynenimadiisu lahayn heybad la mid ah mida ay leeyihiin dalalka aaney ku dhicin mid la mid ah nasiib darrada heshay qarankii Soomaaliyeed.

Korneelka dhowr jeer ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii ay dowladdii hore ee mileteriga ahayd ogaatay in uu wax ka abaabulayay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dowladdaas oo uu gar wadeen ka ahaa marxuum Maxamed Siyaad Barre, kadib Col. C/llaahi Yuusuf waxaa uu wax ka soo dhisay, isla markaana uu madax ka soo noqday jabhaddii SSDF ee sida weyn uga soo horjeeday dowladdii Mileteriga ahayd, waxaana dabayaaqadii sagaashameeyadii loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo uu ahaa tan iyo intii uusan noqon xalay madaxweynaha Soomaaliya.waa xaas leh afar carruur ah.

Deegaano ka tirsan dhulka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa ayay wararka naga soo gaaraya sheegayaan in aan laga abshireysan doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ee Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo waxaa weli meesheedii taala xiisad colaadeed oo u dhaxeysa maamulka Somaliland iyo midkii uu ka dalacay Col. C/llaahi Yuusuf ee Puntland, wel wel xoog leh ayayna dadka reer Somaliland ka muujinayaan in uu shirkii labada sano ka socday Kenya uu aakhirkii madaxweyne ka noqdo nin aysan jecleysaneynin oo markaasina ay ka suurowdo in uu mar kale ku qaabilo shaar wax xoogaa ka weyn midkii uu horay u watay xiligii uu madaxweynaha ka ahaa maamulka Puntlnad, yacni waxay wadnaha farta ugu hayaan oo ay ka baqanayaan in uu faragelin ku sameeyo maamulka Somaliland, noocii ay doontaba ha ahaatee.

Maalinta Khamiista ah ee nagu soo fool leh ayaa madaxweynenimada Soomaaliya loo caleemo saari doonaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo xafladdaasina ay ka soo qeybgeli doonaan madax ka socota dalalka gobolka iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xoghayayaasha Qaramada Midoobay iyo Ururka Jaamacadda Carabta waa Kofi Anan iyo Caamir Muusa, waxaana markaasi kadib loo maleynayaa in uu madaxweynaha si rasmi ah u bilaabo socdaallo aqoonsi iyo taageero doon ah oo uu ku kala bixin doono dalal badan oo ay ugu soo horeeyaan Itoobiya iyo Mareykanka, iyadoo inta ay ka suurtageleyso in ay dowladdiisa fariisato dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho ay ku sii shaqeyn doona dalka Kenya oo haatanba xafiis, guri iyo ciidamo ammaankiisa suga looga sii diyaariyay.

Madaxweynaha ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo ninkii ra’iisul wasaare ka noqon lahaa dowladdiisa, kaasi oo sida laga soo xigtay madaxweynaha qudhiisa u baahan wada tashi in laga sameeyo, wuxuuna markaasi kadib ra’iisul wasaarahaas soo dhisi doonaa xukuumad ay hor taalo howl aad u adag iyo in ay ka soo dhalaasho ballanqaadyo uu madaxweynaheeda ku soo galay doorashada.

Doorashada madaxweynenimo ee Col. C/llaahi Yuusuf ayaa si weyn looga soo dhaweeyay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyadoo meelaha qaarkood isla xalayba laga dhigay banaanbaxyo lagu taageerayo guusha Col. C/llaahi ee madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Jowhar iyo Baydhabo, iyadoo banaanbax maanta la qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo beryahaan la abaabulayayna dib loo dhigay ilaa amar dambe, iyadoo aan la ogeyn waxa keenay dib u dhigistiisaas.

Magaalada Muqdisho dadka ku dhaqan qaarkood waxay doorashada ninkaas odayga ah u arkaan in ay tahay mid wax ku ool ah waayo waxay dadka badankood qabaan fikirka ah in uu dalkan bur bursan iyo dadkiisan qabyaaladdu madax martay ee qarannimada dooneyn uu wax ka qaban karo nin sida Col. C/llaahi Yuusuf Axmed mileteri ah oo aan aaminsaneyn in soo celinta nidaamkii dowladnimo lagu gaarayo baryo iyo walaalow.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu , Somalia

Published: Source: hiiraan.org

Related Articles