Khartoum(AllPuntland)-Shirka maalinta Sabtida ah ka furmi doona magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa beesha caalamku ay aad uga taxaddaraysaa , ayadoo labada dhinac ee dawladda iyo maxkamadaha lasoo gaarsiiyay talooyin ah inay shirkaasi ka qayb galaan.
Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ayaa sheegay inay shirka ka qayb galayaan, hase ahaatee dawladda oo naf ahaanteedu war ay u wada dhan yihiin aysan ku qaaddicin inay Khartoum tagayaan , ayaa haddana raysulwasaaraha Soomaaliya uu si rasmi ah u sheegay inaysan la shirayn Maxkamadaha.
Qaramada midoobay ayaa labada dhinacba fariin u dirtay , waxayna ka dalbatay in la tix galiyo shirkaasi lagana wada qayb galo, maaddaama uu yahay shirka kaliya ee Soomaaliya mid caadi ah looga dhigi kario.
Francios Fall wuxuu sheegay in bad baada shacabka iyo u gar gaariddooda ay ku tiirsan tahay in shirkaasi go’aamo laga soo saaro.
Dhinaca Soomaalida naf ahaanteeda ayaa eegmo taxaddar ku jiro ka muujinaysa shirkaasi, Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka wali wax diidmo ah ma aysan muujin, guddoomiyaha baarlamaankana wuxuu sheegay in shirkaasi la tagi doono.
Xubnaha dawladda Federaalka ee Baydhabo kusugan ayaan aygu isku fikrad ka ahayn in shirka Khartoum latago iyo in kale.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay shirkaan Khartoum ku tilmaameen mid mustaqbalka Soomaaliya u wanaagsan.
Qodobadii ay ku heshiiyeen dawladda iyo maxkamadaha markii ay joogeen Khartoum waxaa kimid ahaa in xabbad joojin lawada saxiixdo, in la is aqoonsado , in la joojiyo hadallada kul kulul ee saxaafadda , dhammaan qodobadan waxaa ka hirgalay abaad mooddaa in la is Ictiraafo.
Inkastoo wixii ka danbeeyay heshiiskii Khartoum ay jireen xurgufo soo dhex galay dhinacyada is haya , ayaa haddana waxaa la filayaa in shirkaasi uu qabsoomo, mana la saadaalin karo waxa ka soo bixi doona
Si kastooy ahaataba Laba maalmood kadib ayaa la kala ogaan doonaa rajada Soomaaliya ay ka qabto Shirka Khartoum.
CCC Farayaamo
AllPuntland