Sunday, May 15
Nairobi(AllPuntland)-Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kor u dhaafaya 20 xubnood ayaa saaka 11:00 subaxnimo ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi iyaga oo ku sii jeeda magaala madaxda Muqdisho.
Guddoomiyaha oo intii aanu ka dhoofin magaalada Nairobi saxaafadda ugu warammayey garoonka dayuuradaha dhexdiisa ayaa u sheegay saxaafadda in ujeedada socdaalkoodu la xiriiro arrimaha dib u heshiisiinta ,isla markaana uu dhiirri gelinayo hawlaha ammaanka iyadoo buu yiri ay haddaba ku dhaqaaqeen xubnaha isugu jirey labada gole ee hore ugu sugnaa magaala madaxda oo gaadiid faro badan oo dagaal iyo maleeshiyooyin soo aruuriyey si ay magaalada uga saaraan oo ammaanka loo sugo,waxana uu sheegay inuu dib ugu soo laabanayo Nairobi marka ay soo dhammaystiraan arrimaha dib u heshiisiinta ee ay u tegayaan.
Waxaa kale oo Guddoomiye Shariif Xasan sheegay inay qabanayaan shirkii ka dhici lahaa magaalada Muqdisho 17ka bishaan haddii uu buuxsamo kooramka(Caddadka) suurtagelin kara fadhi baarlamaan,iyadoo buu intaa raaciyey aysan ujeedadoodu ahayn in lagu waxyeelleeyo dawladda iyo dedaalada dib u heshiisiinta.
Guddoomiyaha oo la weydiiyey su'aal ahayd inay samaynayaan afgenbi ka dhan ah xukuumadda iyo madaxweynaha haddii ay kulankaas qabtaan ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan jirin isagoo sheegay in dawladdu tahay hal mid oo keliya balse ra'yiga lagu kala duwanaan karo.
Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku tilmaamay fadhigii ay 11kii bishaan isugu yimaadeen xubno ka tirsan baarlamaanku magaalada Nairobi mid aan sharci ahayn wixii ka soo baxayna ay ahaayeen waxba kama jiraan.
Iimaan Cali Cabdi
AllPuntland,Nairobi