Nairobi:Doorashadii labada Guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo beri la qabanayo


- Monday, September 20, 2004 at 14:53

Nairobi(Allpuntland) - Kulan ay maanta isugu yimaadeen Madasha shirka Mbagathi xubnaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu caddeeyey in doorashadii labada guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanku ay dhici doonto berito.

Kulankaas oo ka furmay 11:00 subaxnimo hoolka shirarka ee Mbagathi ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan,waxana uu soo jeediyey qaab hawleedka maanta oo ahaa in laga doodo iswaafajinta axdiga KMG ah oo qoraya in la sameeyo labo Guddoomiye ku xigeen oo baarlamaanku yeesho oo siman iyo aragtida kale ee ah in guddoomiye ku xigeenada laga dhigo kuwo u kala qaybsan 1aad iyo 2aad.

Doodaas ayaa markii ay in muddo ah socotey ,ayna ka qaybqaateen xildhibaano ka badan ilaa 30 xubnood oo badankoodu soo jeediyey inaysan haboonayn in waqtigaan dastuurka wax laga bedelo oo ay taasi irdaha u furi karto wax ka bedelid hor leh oo lagu sameeyo qoddobo kale ayaa guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa waxa uu ayidey sida dastuurku qorayo oo ah in la doorto labo guddoomiye ku xigeen oo awood siman leh,taasoo aan cidina ku mucaaradin.

Shariif Xasan ayaa waxa uu intaa ku daray in wixii farsamo ah oo loo baahdo mustaqbalka wax laga bedeli karo oo ay xildhibaanada u taal,qaabka doorashadana waxa uu sheegay inuu magacaabayo 5 xubnood oo aqoonyahanno ah oo soo diyaariya habka ay u dhacayso,isagoo tilmaamay inay dhici doonto berito 3:00 galabnimo iyo madasha shirka Mbagathi.

Inta aysan si toos ah u bilaabmin codaynta doorashada ayaa waxaa la yeerin doonaa magacyada tartamayaasha u taagan jagadaas oo gaaraya dhowr iyo toban ,iyadoo mid kastoo ka mid ahna la siin doono waqti kooban oo uu ku soo bandhigo barnaamijkiisa ku aaddan ololihiisa doorashada.

Xildhibaanada ayaa waxaa berito gelinka hore ku casumey xarunta Bomas of Kenya hay'adda SOMLINK oo ka diiwaan gashan Qarammada Midoobey ,iyadoo beritana ay ku aaddan tahay maalinta loo aqoonsaday maalinta nabadda adduunka.

Iimaan Cali Cabdi
Allpuntland,Nairobi,Kenya

Published: Source: allpuntland.com

Related Articles