Dowladda KMG Soomaaliya oo Taliye Cusub u magacowday Gobolka Gedo


Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wareegto ay soo saartay Taliye Cusub waxaa ay ugu magacowday Gobolka Gedo ee koofurta dalka Soomaaliya halkaasi oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

Iyadoo wali ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan Xoogaga islaamiyiinta ee ku sugan gobolka Gedo oo ay samaynayaan Masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa maalintii shalay Wareegto ka soo baxday dowladda KMG Soomaaliya waxaa taliyaha cusub ee ciidamada goboka Gedo loogu magacaabay korneel Axmed Xasan Farey oo haatan ku sugan degmada Doolow kana mid ah saraakiishii hore ee dowladda KMG Soomaaliya.

Taliyaha ayaa la filayaa in uu ka qeyb qaato howlgal ay sheegtay dowladda KMG Soomaaliya in ay ka fulinayso deegaano iyo degmooyin ka mid ah gobolka Gedo halkaasi oo ay maamulaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Taliye Axmed Xasan Farey oo mareeg u waramayay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu farsanyahay xilkaani loo dhiibay islamarkaan uu gudan doono Waajibaadka Saaran.

Lama oga isbadalka cusub ee uu ku soo kordhin doono Taliyaha cusub ee loo magacaabay ciimada dowadda kMG Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo oo intiisa badan ay haatan gacanta ku hayaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Aqriso oo la soco mareeg Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles