Qarax weerar ah oo lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir


Qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, inkastoo aan weli la ogeyn qasaaraha uu gaystay qaraxaasi.

Qarax xoogan ayaa mar qura laga degmada X/weyne waxaana xigay rasaas u muuqatay mid hal dhinac ka dhacaysay.

Weerarkan oo aan jirin cid sheegatay ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli la qorsheynayo in uu baarlamaanka dowladda KMG kulan ku yeesho xarunta maamulka gobolka Banaadir, sida ay sheegayaan ilo ka torsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa qeyb waxaa uu ka noqonayaa weeraro la soo qorsheeyay oo marar badan lala beegsaday saraakiil ka tirsan dowladda KMG gudaha magaalada Muqdisho iyo meel ka baxsan.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles