Taliska ciidamada booliska dowladda KMG oo ka war bixiyay howlgal ay ka sameeyeen


Ka dib howlgalo ay sameeyeen ciidamada booliska dowladda KMG gudaha magaalada Muqdisho, ayaa arrimahaasi faah faahin waxaa ka bixiyay taliska ciidanka booliska dowladda KMG.

Shir jaraa'id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, afhayeenka booliska dowladda KMG C/llaahi Xasan Bariise waxaa uu cadeeyay in tiro dad ah lagu soo qabqabtay howlgalada kuwaasoo lala xiriirinayo dhibaatooyin xasilooni darro oo magaalada ka taagan.

Dhibaatooyinkan oo si xoogan uga cabanayaan dadweynaha Muqdisho, ayaa qeyb waxaa ka ah askar ka tirsan dowladda KMG, sida isaguba uu xusay afhayeenka booliska dowladda KMG.

Mr. C/llaahi Bariise waxaa uu sheegay in ay socon doonaan howlgalada si loo xaqiijiyo guud ahaanba ammaanka, isagoona ku celiyay in wax laga qabanayo burcadda ku dhex jirta ciidanka dowladda KMG, sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa goobo kala duwan waxaa ka taagan dhibaatooyin kala duwan, waxaana muuqata in ay dib u soo cusboonaadeen falal burcadnimo oo ay ku kacaan askar ka tirsan dowladda KMG.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles