Dagaalo xoogan oo mar kale ka qarxay xaafadaha waqooyi ee magaalada Muqdisho


Dagaalo xoogan ayaa mar kale saaka ka qarxay xaafadaha waqooyi ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda KMG iyo xoogaga hubaysan.

Dagaaladan oo ah kuwo la'isku adeegsanayo madaafiic xoogan ayaa waxaa laga maqlayaa goobo ka baxsan aagaga ay ka qarxeen ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Degmada Kaaraan xaafado ka mid ah ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhaceen tiro madaafiic ah halkaasoo uu ka socdo dagaalka xoogiis.

Weli lama oga qasaaraha dagaalka oo weli ah mid socda, waxaana sii xoogaystay barakacaya ay sameynayaan dadka deegaanka oo qaarkood maalmo ka hor dib ugu soo laabteen guryahooda.

Dhinacyada dagaalamaya ayaan weli la hadlin warbaahinta, iyadoo aan idin soo gudbin doono wixii warar ah ee soo kordha, Inshaa Allah.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles