Mogadishu 08 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Kulan balaaran oo maanta ka dhacay xarunta maxakamada islaamiga ee Towfiiq ayna ka qeybgaleen maamulka sare ee maxkamada iyo ganacsatada Suuqbacaad ayaa waxaa laga soo saaray go'aano lagu mamnuucayo in hubka lala maro wadada Suuqbacaad iyo nawaaxigeeda.
Kulankan ka din War saxaafadeed loo qeybiyay warbaahinta ayaa waxaa ku qornaa ilaa 4 qodob oo isku dhow dhow oo ka hadlayay in si wada jir ah loo dhowro nabadda.
Qodobka 4aad ayaa waxaa looga digayay cidkasta oo hub heysata in aysan hubkeeda la soo marin xiliga habeenkii ah deegaanka Suuqbacaad.
Gudoomiye K/xigeenka Maxkamada Islaamiga Towfiiq Cali Xasan Cali jeesto oo ay Shabelle weydiisay in uu faahfaahin ka bixiyo ujeedada uu xambaarsan yahay war saxaafadeedkan ayaa waxa uu sheegay in aysan iyagu dooneyn in ay cid gooni ah farta ugu fiiqaan balse aaney ogolaan doonin in hub wax u dhimaya nabadgalyada lala dhex maro deegaanka Suuqbacaad, oo uu sheegay in ay tahay Suuq lagu ganacsado.
Ganacsatada Suuq Bacaad ee kulankaasi ka qeybgashay ayaa waxaa ka mid ahaa Ganacsade Ciise Cimsaan iyo Duubane Cabdi Faarax.
Kulankaan ay yeesheen Ganacsatada Suuqbacaad iyo maamulka sare ee maxkamada Islaamiga Towfiiq ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli maleeshiyooyin taageersan ganacsade Abuukar Cumar Cadaan lagu soo uruuriyay xaruntii hore ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen 3 dii habeen ee la soo dhaafay.
Dhinaca Hotel Royal ee degmada Boondheere iyo agagaarkiisa ayaa iyana waxaa lagu arkayay tikniko lagu soo xoojiyay maleeshiyooyinkii halkaasi hore u jooga ee hoostaga maamulka la baxay isbaheysiga SSA ee uu hogaamiyo C/qaadir Cabdi Xasan Beebe, gacan saarna la leh Ganacsade Bashiir Raage.
Isu soo horfadhiisiga maleeshiyooyinkaan ayaa la rumeysan yahay in uu la xiriiro dagaalkii ka dhacay Galgalato ee dhex maray maleeshiyooyin kala taageersan Abuukar Cumar Cadan iyo Bashiir raage, kaasoo ilaa iyo iminka aan xal loo helin, iyadoo labadii habeen ee la soo dhaafay dadka ku nool qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid, Shibis iyo Boondheere ay ku seexdeen cabsi ay ka qabaan dagaal ka dhex qarxa labadani maleeshiyo.
Shabelle Media Network, Somalia