Maleshiyad tabacsan dowlada oo qabsadey B/weyne


Ciidamada taabacsan dowladda KMG ee Somaliya oo aad u hubeysan ayaa saakay qabsaday oo isku fidiyay Xaafado ku yaala galbeedka magaalada B/weyne halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxaha ka soo horjeeda.

Saakay 26 June,2009 ayaa aroor hore waxaa laga war helay dhawaqa rasaasta noocyadeda kala duwan waxana la xaqiijiyay in weerar saf balaran ah lagu qaaday dhinaca Galbeed ee Magaalada B/weyne oo ay ka talinayeen Kooxaha Mucaaradka.

Ilaa 3 ka tirsan maleshiyadka tabacsan dowlada aya la xaqiijiyay inay ku dhawacmen dagaalkan saakay kuwaasi oo la geeyay Isbitalka magaalada wallow aan la ogeyn dhinaca kale khasaaraha kasoo gaaray weerarkaasi.

Dad xog’ogaal ah ayaa waxaa ay shegayaan in ciidamadaan wada qabsadeen guud ahaan magaalada waxana ay intaas ku dareen in Kooxahii ka soo horjeday dowlada ay ka baxeen fariisamahoodii.

Ciidamadan oo watey dharka tuutaha aya u muqdey kuwa tababar kusoo dhameystey xadka u dhexeeya Somalia iyo Ethiopia madaama deganada u dhexeya Baladweyne & Muqdisho ay ka arimiyaan mucaaradka dowlada kasoo horjeda islamarkaana aysan ka soo qaadi karin duulaankaan.

Xildhibaan Maxamed Dhaqane Cilmi Aar oo ka mid ah Mas'uliyiinta Dowladda ee ku sugan haatan magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadaan uu horkacayo General Muqtaar Xuseen Afrax ay ku dhaqaaqeen xaafadaha Galbeed ee magalada waxaana uu tilmamay in haatan ay gacanta ku hayaan guud ahaan.

Ciidamada taabacsan dowlada ayaa u badan Maleeshiyaad aan u hogansamin awaamiirta madaxdooda taasoo sahasha in kooxaha mucaaradka ah dib u qabsadaan goobahaan.

Published: Source: garoweonline.com

Related Articles