iyaarado joog hoose ku duulaya oo laga soo sheegayo degmada Baraawe ee gobolka Sh-Hoose


Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Sh-Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay cabsi ay qabaan dadweynaha halkaasi ku dhaqan.

Arrintan ayaa waxaa ay ka dambaysay ka dib markii maanta diyaarado joog hoose ku duulaya lagu arkay gudaha degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Cabsida ay dadku dareemayaan ayaa waxaa ay tahay talaabooyinka ay qaadi karaan diyaaradahan oo ah saddex nooca qumaatiga u kaca (helikobtar).

Ma'ahan wax ku cusub gobolka Sh/Hoose in dadku ay arkaan diyaaradaha dagaalka oo dul heehaabaya qeybo gobolkaasi ka mid ah iyadoo uusan jirin warar faah faahsan oo arrimahan la xiriira.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles