Shirkada Isagarsiinta Hormuud oo xarumo lagu karantiilo dadka uu soo rito cudurka shuban biyoodka ka furtay Degmada Wanlaweyn


Wanlaweyn - Hawlgal isugu jira biyo dhaamin iyo tababar la siinayey dhalinyara la tacaasha dadka uu soo ridanayo cudurka shubanbiyoodka ayaa waxaa ay shirkada Hormuud ku soo gabagabeysay degmada Wanlaweyn ee G/Sh/Hoose .

Hawlgalkaan ayaa socday mudo shan cisho ah , waxaana ka qeybgalay Midawga Dhaqaatiirta Da’da yar iyo Shirkada Hormuud oo wada jira .

C/xakiim Xasan oo ah Sarkaalka haysta hawlaha Gobolada ee Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa sheegay in ay u soo faa’ideyeen dhalinyardii ay siminaarka u fureen , hade ay rajeynayaan in ay isku filnaadaan oo ay gargaarka felembada deg dega ah siin doonaan dadka shuban biyoodka fara ba’an uu ku hayo ee Wanlweyn.

Shirkada Hormuud ayaa sidoo kale waxaa ay sameysay xarumo lagu karantiilo dadka cudurkaan uu soo rito oo horey loogu hayey guryaha halakas oo ay ku fuuq bixi jireen balse hada la keeno xarun kaarntiil iyagoo helaya dadka dawooyinka lagula tacaalo joojinta shubanka iyo fuuq soo celinta .

Dadka G/Sh/hoose ayaa soo dhaweeyey talaabada ay Shirkada Hormuud ku gargaartay dadka shubanka uu fara ba’an ku hayey , waxaana mudo laba todobaad ah intii aanay Shirkada bilaabin hawlgalkeeda halkaas u geeriyooday cudurka shubanka dad gaaraya 15-qof .

Waa Shirkadii ugu horeysay ee gaar loo leeyahay , hawlgal sa,afal ahna ka sameysa G/Sh/Hoose oo dadkiisa ay xiligaan baahi badan u qabeen sameynta xarumo karantiil .

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa lagu yaqaana ka qeybgalka hawlaha bul.shada iyadoo inatay jirtana so sameysay hawlo gargaar oo fara badan.

Xasan Alqeys

Published: Source: allpuntland.com

Related Articles