Waxaa bilaabay in ay guryahooda ka sii barakacaan dad badan oo horay uga soo barakacay xaafado dhowr ah oo ku yaalla degmooyinka Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid.
Dadkani ayaa waxay barakaca bilaabeen kaddib markii uu ku soo fiday dagaal shalay iyo maanta ka socday duleedka bari ee Degmada Kaaraan, kaasi oo dhexmarayay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag hubeysan oo ka amar qaata Xarakada Shabaabul-Mujaahidiin.
Rasaas goos goos ah ayaa mararka qaarkood laga maqlayaa gudaha degmada Kaaraan, waxaana la soo sheegayaa in ay gudaha Degmada soo gaaraan Xoogagga Xarakada Al-Shabaab, iyadoo Ciidamadii Dowladdana ay dib uga soo baxeen fariisimadii ay Degmada uga sugnaayeen.
Xaaladda Degmada Kaaraan ayaa haatan waxay tahay mid kacsan, waxaana cabsi iyo wel wel muujinaya dad weli ku adkeysanaya in aysan guryahooda ka barakicin, kuwaasi oo isugu jira kuwo barakac ku yimid iyo kuwo horay u deganaa.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco halkan haddii Alle Idmo.