Markabkii Kismayo lagu afduubay oo maxkamad lala tiigsanayo


Wararka ka imaanaya gobolka J/hoose ayaa sheegaya in odayaasha halkaasi ay maanta sheegeen inay Maxkamad Islaami ah saari doonaan Shaqaalaha Maraakiibta halkaasi dhowaan lagu afduubtay.

Odayaashan ayaa sidoo kale xusay inay hayaan Caddeymo been abuur ah oo uu ku sixiixnaa Jeneraal Moorgan oo xilli maamulayay magaaladaasi, kaasi oo muujinaya inay maraakiibtani ka kaluumeysan karaan biyaha Soomaaliya si sharci ah, waxaana ay sheegeen inaysan jirin bililiqo loo geystay hantidii saarneyd markabkan.

Dhinaca kale wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda federaalka Bare Aadan Shire (Hiiraale) ayaa sheegay inuu doonayo inuu la wareego arimaha maraakiibtan, isagoo xusay sidoo kale inuu la xisaabtamayo Shisheeyaha caadeystay ka kaluumeysigga biyaha soomaaliya.

Soomaaliya bilihii la soo dhaafay waxaa ay aheyd goob lagu afduubto maraakiibta dhex mushaaxeysa biyaha Soomaaliya, waxaana haatan jira markab lagu heysto xeebta Faax ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Published: Source: somalinet.com

Related Articles