Banadir iyo Shabeelada Hoose oo Jowhar soo garay


Jowhar - Wafdi kakala yimi Banadir iyo Shabeelada Hoose ayaa shalay soo gaaray magaalada Jowhar oo ay kasocdaan siminaar lagu baranayo sidii dalka oo idil daraasad loogu samayn lahaa oo maalintii labaad ugu socda hoolka shirarka DFKMG ay ku leedahay magaalada Jowhar.

Wafdiga shabeelada Hoose ayaa waxaa ka mid ah gudoomiye K/xigeenka koowaad ee Maamulka g/sh/hoose Mr. Bariir, wafuuda gobolada ayaa kusoo qul qulaya gobolka sh/dhexe magaaladiisa Jowhar ay ka socdaan daraasad u sameynta dalka Somalia.

Shirkani ayaa lagu wadaa in caawa lasoo gabagabeeyo iyadoo loo sameyn doon xiritaanka shirkaani casho loogu talo galay oo lagu q! aban doono guriga martida ee magaaladani.

Caawa ayaa lagu wadaa cashadaasi inuu kasoo qayb galo madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, xubnaha labada gole ee DFKMG, Aqoonyahanada soomaaliyeed, gudoomiyeyaasha gobolada iyo qaar ka tirsan wakiilo ka kala socda gobolada qaar.

Published: Source: somalinet.com

Related Articles