Jimco, February 04, 2005 (HOL) @18:00GMT: Xubno ka tirsan Wafdigii Dowladda Federaalka ee dhowaan yimid Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay kulamo la yeesheen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska, Asluubta iyo Mileteriga Soomaaliyeed, kuwaasi oo loogu kala diyaariyay Dugsiga sare ee Booliska iyo Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaaga Kacaankii Soomaaliyeed.
Xubnahan oo uu horkacayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka, isla markaana ay xubno ka ahaayeen Afhayeenka Wafdiga Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan, Xasan Dhimbil Warsame iyo kuwo kale ayaa ugu horeyn waxay booqasho ku tageen Xaruntii Xisbiga oo loogu diyaariyay Ciidamada Mileteriga, iyadoo halkaasina uu u hoggaamiyay Jen. Maxamed Nuur Galaal.
Ciidamadan Mileteriga oo xiran labiskii lagu yaqiinay waxay salaan sharaf siiyeen Wafdiga Dowladda Federaalka ka socday, iyadoo kadibna uu ka warbixiyay Jen. Maxamed Nuur Galaal oo isagu sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan dowladda Soomaaliyeed, isla markaana la garab istaagayaan taageero hiil iyo hooba leh, isagoo xusay in aysan Ciidamadu xantooda moogeen, maalmahaana la lahaa wey tabar dhigeen, hayeeshee Jananku waxaa uu caddeeyay in awooddii Ciidamada ay weli sideedii tahay, ayna diyaar u yihiin mar kasta howlgelin oo loo baahdo.
Intaas Kadib wuxuu Wafdigu booqday Dugsiga sare ee Booliska halkaasoo lagu sii diyaariyay Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale salaan sharaf bixiyay, waxaana kadib ka warbixiyay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Dhooleey oo ka dhawaajiyay in Xoogaggii Ciidamada Qaranka ay weli taagan yihiin, iyagoo howlgelin diyaar u ah, wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo mas'uuliyiinteeda kuwii ugu horeeyay ay la kulmeen.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre oo wafdigana horkacayay ayaa isaguna ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in ay Ciidamada Qaranka ay u garab galaan Dowladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay amnigeeda u sugaan, si ay u soo noqoto sharaftii Soomaali lahayd, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay in miisaaniyadda ugu badan ee dowladda la gelin doono dhinaca Ciidamada.
Socdaalkooda ayay wafdiga sii wateen, waxayna isku shubeen Dekedda weyn ee Muqisho, halkaasoo uu uga sii horeeyay uuna ku soo dhaweeyay Maxamed Jaamac Furux oo isagu Dekedda gacanta ku soo hayay tan iyo intii ay ku dagaalameen maamulkeeda Ururadii Siyaasadeed ee Muqdisho isaga soo horjeedi jiray.
Maxamed Jaamac Furux oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, isla markaana ku magacaaban Wasiirka ku xigeenka Daryeelka Agoonta iyo Naafada Xukuumadda Federaalka ayaa wafdiga gudaha Dekedda warbixin ku siiyay, isagoo sheegay in Dekeddu ay diyaar u tahay howlgelin xilli kasta oo loo baahdo, isagoo caddeeyay in Dekeddu tahay il Qarameed oo aanu Qabiil lahayn.
Intaas kadib waxaa Gudaha Dekedda Magaalada Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay Afhayeenka Wafdiga Dowladda Col. Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in ay meelihii ay booqdeen oo dhan ay kula soo kulmeen dad dowlad doonaya oo diyaar u ah in ay soo dhaweeyaan Dowladda cusub, si ay dhibaatada uga baxaan.
Col. Cumar Xaashi Aadan waxaa uu shirkiisa Jaraa'id uga faa'iideystay in uu wax ka yiraahdo hadal uu xalay sii daayay Wasiirka Warfaafinta, ahna Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Md. Maxamuud C/llaahi Sifir, kaasi oo sheegay in wafdiga Muqdisho ku sugan uu yahay mid aaney Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka go'aamin in ay dalka ku soo laabtaan.
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan waxaa uu sheegay in uu hadalka ka soo yeeray mas'uulkaasi uu yahay mid si kedis ah uga soo baxsaday, hayeeshee markii ay soo baxayeen ay ku soo baxeen go'aan ka soo baxay Golaha Baarlamaanka, isagoo xusay in mar kasta oo howl la wajahayo ay dhacdo in lagu kala aragti duwanaado, "matalan markii guri la rabo in la galo qof baa doonaya in daaqadda laga soo galo, halka kuwo kalena ay doonayaan in albaabka ama iridka laga galo" ayuuna yiri Xildhibaan Cumar Xaashi.
Afhayeenka Wafdiga Dowladda ee Xamar ku sugan waxaa kale oo uu intaas ku daray in Axadda soo socota ay dalka ku soo fool leeyihiin Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan, isagoo xusay in ay taasi caddeyneyso in ay Dowladdu isku ogeyd socdaalka ay Muqdisho ku yimaadeen, Wafdigoodana uu yahay mid gogol xaar ah.
Dhanka kalena, Xildhibaan Cumar Xaashi waxaa uu baaq nabadeed u jeediyeen dadka ku dagaalamaya Magaalooyinka Kismaayo, Cabuud Waaq iyo deegaano ka tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud, isagoo si gaar ah baaqiisa ku wajahan Kismaayo ugu socodsiiyay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo uu ka codsaday in uu arrinta si Odaytinimo ah u galo, xiisadda dagaalkaasna la qaboojiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia