Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saaka degan ka dib markii dagaal la'isku adeegsaday madaafiic culculus uu ka dhacay qeybo magaalada ka mid ah.
Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijinin qasaaraha ka dhashay dagaalkan oo si daran looga maqlayay madaafiicda goobo kala duwan.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay wadada Makka Al-Mukarrama halkaasoo xarumo ku yaala ay degan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada Amisom, waxaana saaka caadi ku socda dhaq dhaqaaqyadii kala duwanaa ee wadadasi.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalkan oo qeyb ka ah dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho, ayaa hadana la dareemayay inuu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo waayahay ka dhaca magaalada Muqdisho marka loo eego hubka loo adeegsaday.