Payne oo diidey inuu la kulmo maamulka Somaliland


Warar lagu kalsoon yahay oo uu Warsidiha Garowe Online heley ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibbada Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale uu ku guul dareystey inuu la kulmo Gudomiyaha Guddiga arrimaha Afrika u qabislasan Congress-ka Mareykanka Donald Payne.

Wasiirka oo ku sugnaa wadanka Mareykanka magaaladiisa Washington DC USA muddo labo todobaad ah ayaa wararku xusayaan in muddo sadex jeer ah u qorey xafiiska Congerssman-ka inuu la kulmo balse loo tibaaxey in aan waqti loo hayn.

Diidamada Donald Payne ayaa timid kadib markii maamulka Somaliland diidey inuu ka qayb galo kulan Guddiga Arrimaha Afrika u qabilsan Aqalka Wakiilada Mareykanka casumad ugu fidiyeen mamulada Puntland, Somaliland iyo TFG balse casumadaas ayaa waxaa ka baqsadey mamulka Hargeysa iyada Sheekh Shariif dowladiisa ay uga qayb galey Wakiil.

Congress-man Payne ayaa kulankas khudbad uu ka akhriyey ka sheegey in mamulka Somaliland diidey inuu ka qayb qaato kulan looga hadlayo xal u helista walaalahood Somaliyed ayna doorteen ka gooni ahansho, mar hadey yihiin aqalka wakiilada-na gudiigiisa ula dhaqmi doonaan sidaas ay doorteen.

Puntland aya kulankas waxa uga qayb galey Madaxweynaha PL wafti uu hogaminayo kuwaasoo hadal ka jeediyey ku aadan qaabka xal loogu heli karo dhibaatada Somalia ka taagan islamarkana hoosta ka xariiqey in dowladoodu tahay mid u taagan maamul Federaalka ah oo Somalia ka dhisma.

Xukuumada Riyaale gaar ahaan Wasiirkiisa Arrimaha dibada aya kala kulmey eedeyn badan xisbiyada mucaradka ah ee Somaliland iyo dadweynahaba kuwas ku eedeyey in maamulkooda looga adkadey siyaasda islamarkaana laga rabo in raali galin u gudbiyaan Payne iyo aqalka Wakiilada Mareykanka.

Ducaale ayaa safarkiisa la xiriira culeyska maamulka Riyaale soo foodsaarey iyada Somaliland ku jirto xili doorasho.

Published: Source: garoweonline.com

Related Articles