Garowe:Golaha Xukuumadda Puntland oo Fadhigoodii maanta kaga Dooday Ammaanka gobollada Mudug iyo Cayn


Thursday, April 21, 2005

Garowe, AllPuntland - Kulanka Khamiislaha ahaa ee ay yeeshaan Golaha Xukuumadda DG Puntland ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada DG Puntland ee Garoowe.

Shirka golaha xukuumadda oo uu shir guddoominayay Madaxwayne ku Xigeenka Puntland Md. Xasan Daahir Af-Qurac ayaa looga dooday labada qodob oo kusaabsan xaaladaha ammaan ee gobollada Cayn iyo Mudug.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen badiba Wasiirada Puntland ayaa si fiican looga dooday sida dawladdu wax uga qaban karto xaaladda ammaan ee magaalada Gaalkacyo oo maalmo ka hor ay ay isku rasaaseeyeen laba beelood oo beryahanba ku hardamayey degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirada ayaa waxay ka doodeen sida maamulka Puntland uu saamayn ugu yeelan karo xasilloonida magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo ganacsi oo dad badani ay daggan yihiin isla markaana halbowle u ah ammaanka iyo ganacsiga Puntland.

Dhinaca Gobolka Cayn oo maalmahan ay iyana ka jirtay xiisado colaadeed oo la xiriira dhinaca maamulka Somaliland ayaa waxaa la isku raacay in loo diro mas'uuliyiin heer wasiiro iyo agaasimayaal ah oo u kuurgala, waxna ka qabta xiisadda jirta.

Inkasta oo wasiirada Puntland ay fikrado kala duwan soo jeediyeen hadana waxaa gabagabadii shirka la isku waafaqay in madaxda gobolladda lagu taageero sidii ay u adkayn lahaayeen maamulka gobollada iyo degmooyinka, ayna qayb uga qaataan qaboojinta xiisadaha soo cusboonaada; waxaana meesha laga saarin in maamulka Puntland il gaara ku eego xasiloonida gobollada uu maamulo.

CCC Farayaamo
AllPuntland

Published: Source: allpuntland.com

Related Articles