March 12, 2004 HornAfrik. Mogadishu Somalia
Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa intooda badan soo dhoweeyey u gudbida wajiga saddexaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ugga socda Dalka Kenya.
Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Muqdisho ayaa hadal heynta todobaadkan uggu badani waxa ay aheyd sida uu shirku uggu gudbay wajiga saddexaad.
Dadweynaha ayaa intooda badan waxa ay muujinayeen niyad wanaag ay shirka u hayaan, iyo soo dhoweynta dowlad shirkaasi ka timaada.
Shacabku waxa ay sabab ka dhigeen arrintan guusha ah ee soo dhoweynta dowlada cusub amaba ka iman doonta shirkaasi, waa mide qaraarkii dhowaan ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Qaramada Midoobay, iyo siyaasiyiinta laftigoodu oo intooda badan shirka ka qeyb galay.
Xog ururin taasi ay sameysay Warbaahinta Qarniga ee HornAfrik oo ku saabsan aragtida qofeed ee dadka ku nool Muqdisho, ayaa dadkaasi intooda badani ay ku muujinayeen qaabka ay dowladi kaga iman karto shirkaasi, iyo sida ay dadweynuhu ay uggu nuglaadeen iney dowlad helaan, iyadoo mudo dheer ku soo rafaaday dowlad la'aanta, iyo u kala oodnaan qab qablayaal dagaal oo taageero ka hela dowlad ka mid ah kuwa dariska ah oo aan dooneyn wadanka iney dowladi ka dhalato.
Dhinaca kale qaar ka tirsan dadka wax garadka ah ayaa laftigoodu waxa ay muujinayaan saadaal aan fiicneyn in kastoo fara ku tiris ay yihiin, in halkaasi ay dowladi ka soo baxeynin hoggaamiyayaasha kooxaha oo wali ka lug jiidaya in ay shirkaasi dowladi ka soo baxdo, iyagoo dhanka kaleetana tilmaamay in ay sabab u noqon karto qabyaalada oo inta badan Soomaalida ah dhaqan keeda.
Waxa kale oo ay muujiyeen iney Soomaalidu leedahay cadaw aad u weyn oo ay ku tilmaameen Dowlada Itoobiya, oo fara galin ba'an ku heysa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay arrin taasi ka muujinayaan markaa intooda badani, sida ay aragtida qof ahaan u qabaan iney soo dhoweyn lahaayeen dowlad halkaasi ka soo baxda.