Minneapolis , MN-HOL. Madaxweyne Bush ayaa guul lixaad leh ka soo hooyoy doorashadii November 2 ka dhacday Mareykanka, si uu u noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey ee ina-madaxweyne ah oo doorasho labaad ku guuleysta, codadkii ugu badnaana hela. Isla markaana si uu shakiga uga dul qaado murankii ka aloosnaa qaabkii lagu soo doortay kal hore oo eey ugu dambeyntii go'aamisay maxkamadda ugu sareysa waddanka, muran xooggan kadib. Senator Kerry ayaa khadka taleefonka ugu hambalyeeyey madaxweynaha. Bush ayaa la filayaa inuu is beddello waaweyn ku sameeyo wasiiradiisa iyo siyaasadihiisaba. Guusha Bush-se waxeey daaha ka qaaday rabitaanka dhabta ah ee shacbiga Mareykanka oo sidii loo malaynayey aan dan iyo heello ka galin dagaalka Ciraaq, argagixisada iyo waliba dhaqaalaha Mareykanka'e, u janjeersaday dhanka arrimaha dhaqanka, diinta iyo akhlaaqda guud la xiriira sida guurka khaniisiinta. Dharbaaxo xanuun badanna ku dhuftay xisbiga Dimoqraadiga oo kala faniin ka qaaday.
Faahfaahin Guusha Bush: Madaxweyne Bush ayaa ku guuleystay codkii ugu badnaa ee shacabka Mareykanka uu siiyo madaxweyne, taariiqda Mareykanka. In ku dhow affar malyuun oo cod ayuu dheeraaday la tartamihiisa Kerry. Sidoo kale, wuxuu ku guuleystay codadka hey'adda codbixinta oo ah xul codad ah oo matala gobollada, iyadoo loo tixgalinayo baaxadda iyo shacabka ku nool gobol walba. Maadaama uu Madaxweynuhu helay codad intaas le'eg ayeey khubaradu filayaan ineey tilmaan u noqoto inuu Madaxweynuhu gaari doono go'aano eeysan ku raacsaneyn xisbiga Dimoqraadiga.
Xisbiga Dimoqraadiga: Tusbax Furtay?
Madaxweynaha kaliya maahee xisbiga Jamhuurigu guulo la yaab leh ayeey ka soo hooyeen doorashooyinka Aqalka Hoose & Kan Sare ee Baarlamaanka Mareykanka. Labadaba waxaa si xarago leh u hogaamin doona aqlabiyad Jamhuuri ah. Jabkii Dimoqraadiyiinta ku habsadayna waxaa ugu fool xumaa kii hogaamiyahoodii Aqalka Odayaasha, Senator Tom Daschle-ka South Dakota oo muddo 18 sano ah ka dhex muuqday Aqalka Odayaasha, oo reer South Dakota eey ka door bideen John Thune. Tartanka Thune & Daschle ayeey ku baxday aduunyo kor u dhaafeysa 20 milyan oo dollar. Intaas kaliya looguma simine, xisbiga Dimoqraadiga waxaa farahooda ka baxay koonfurta Mareykanka oo caadi ahaan u dacayeeysnaan jirtay Dimoqraadiga. Gobolka Louisiana oo aan waligiis Senator Jamhuuri ah laga soo dooran ayaa tookadan Dimoqraadiga ku daadiyey, iyagoo doortay Senator Jamhuuri ah. Gobolka Kentucky oo laba sano ka hor lahaa gubarnatoore iyo laba senator oo Dimoqraadi ah ayaa maanta saddexdoodiiba ku beddelay saddex Jamhuuri ah.
Toban gobol oo Mareykan ah ayaa iyana afti laga qaaday ineey waafaqsan yihiin guurka khanisiinta iyo in kale isku wada raacay MAYA. Taas oo sii xoojisay mowqifka Bush, Dimoqraadiyiintana godkooda biyo ugu sii shubtay.
Yaa u codeeyey Bush?
Madaxweyne Bush ayeey u codeeyeen qeybo kala gadisan oo bulsha weynta Mareykanka ka tirsan, sida: Kaniisad aadayaasha (ahlu-diinka), kuwa hodanka ah, raga cadaanka ah & waliba dadka aan labada xisbi mabad'a ahaan midna raacsaneyn ee maalmaha ugu dambeeya go'aanka codbixinta gaara.
In badan ayaa Bush lagu cambaareyn jiray inuu isku dheehayo “diinta & dalka”, isla markaana uu xeyndaabka Aqalka Cad ka buuxiyey wadaado majara adag. Doorashadan ayaa lagala dhadhansan karaa in badi shacabka Mareykanku eey taas raalli uga yihiin Bush.
Saddexda “G” & Doorashada Bush:
Sababta ugu weyn oo codbixiyayaashu Bush ku doorteen ayaa noqotay “iimaankiisa”. Taas oo ugub ku ah siyaasadda Mareykanka, taariiqda casriga ah. Codbixyayaashu waxeey sheegeen ineey Bush ku raacsan yihiin saddex waxyaabood oo udub-dhexaad ah:
- Ilaaheey (God): Dadkii doortay Bush, oo u badnaa kirishtaan-ka loo yaqaano Evangelican-ka ayaa aamisan in iyaga & Bush eey ku bohoobeen hal ilaah.
- Naceybka Khaniisiinta (Gay): Waxeey kaloo ugu codeeyaan mowqifka adage e uu madaxweynuhu iska taagay arrinka khaniisiinta. Bush ayaa horey u tibaaxay in “guurku uu yahay qandaraas muqaddas ah oo ka dhaxeeya hal nin & hal naag”. Wixii intaas ka soo harana eey yihiin “danbi” lagu dhaawacayo sharafta bani-aadamka.
- Qoriga (Gun): Caddaanka Mareykanka oo taariiq ahaan ku soo barbaaray guryo eey dhooban yihiin hub ayaad moodaa ineey wali u ciil qabaan ineey hubka guryohooda ku sii heystaan. Sidaas daraadeed, Madaxweyne Bush, tan iyo billawgii affartii sano ee hore ayuu u ololeynayey “heysashada hubka is difaaca ah”. Waxaa kaloo la ogsoon yahay in ururka u doodda xuquuqda qoryooleyda uu cudud awood badan ku leeyahay Washington .
Tilmaamahan cusub ee soo ifbaxay ayaa qalaama-rogaya marinka siyaasadda Mareykanka oo dhan. Waxeey sidoo kale beeniyeen ifafaalihii laga lahaa in dagaalka Ciraaq, argagixisada iyo dhaqaaluhu eey noqdaan bartilmaameedyada lagu dooran doono Madaxweynaha.
U dhuun daloolayaasha siyaasadda Mareykanka ayaa cadeynaya in farriintii wadaadka Al-qacida uga arrimiya fariisintiisa aan laga warheyn eey cusleysay miisaanka Madaxweyne Bush, oo awalba la dagaallanka argagixisada libaax ku ahaa, shacbigana Al-qacida iyo weeraro mala-awaal ah oo hubka wax gumaada ah ku xuuxin jiray.
Maxaa is Beddeli Doona?
Khubarada siyaasadda Mareykanka ayaa aaminsan in qeybta labaad ee Bush eey noqon doonto mid uu ka barto khaladaadkii uu sameeyey kalkii hore. Walow uu khudbadiisii aqbalidda ka dhawaajiyey inuu halkiisii ka sii wado doono dagaalka argagixisada, dhidibadana u aasi doono “dimoqraadiyadaha cusub ee Ciraaq & Afghanistan”. Waxaase aad loo hadal hayaa magacaabista qaalliyaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, kuwaas oo ugu yaraan saddex kamid ah eey howlgab noqon doonaan inta uu Bush madaxweynaha yahay. Bush ayaa la saadilanayaa inuu magacaabo Qaalliyaal muxaafidiin ah, si uu ajandihiisa u meel marsado.
Wasiirada Bush: Yaa Huleelaya, Yaase Haraya?
Wasiirada Bush oo u badan rag u janjeera dhanka midig ayaa la hadal hayaa inuu is beddel weyn ku dhici doono qeybta labaad ee taliska Bush. Wasiirka Caddaaladda John Ashcroft oo wasaaradiisa u isticmaalayey la dagaallanka argagixisada ayaa ka dhawaajiyey inuu gobolkiisa Missouri ah u hiloobay. Bisha March ee sanadka soo socodana uu qalliin u ballansan yahay. Sidoo kale, wasiirka wasaaradda ugubka ah ee Ammanka Qaranka Tom Ridge ayaa isna sababo shakhsi ahaaneed la sheegay inuu isaga tagayo. Waxaase tan iyo kal hore aad loo hadal hayey wasiirka ruug cadaaga ah ee arrimaha dibadda, Mr. Collin Powel oo la sheegay inuu u caal waayey xirxirnaanshaha asxaabtiisa. La taliyaha madaxweynaha ee Amaanka Qaranka, haweeneyda la yiraahdo Condoleeze Rice ayaa iyana la hadal hayaa ineey u xiistay jaamacadihii eey ka arrimin jirtay. Waxaase New York Times eey qortay ineey quud-dareyneyso ineey noqoto wasiirka difaaca, booskaas oo illaa iyo haatan u nusan Donald Rumsfield oo isaga xitaa tagistiisa la hadal hayo. Walow uu booskiisa gaadgaad adag ugu jiro ku xigeenkiisa, Paul Wolfwitz, mu'allifkii dagaalka Ciraaq.
Xisbiga Dimoqraadiga: Hadda & Dan?
Doorasha kadib, ruug cadaagii xisbiga Dimoqraadiga ayaa dhan walba isaga soo hayaamay, si eey u darsaan “bal hadda & dan”. Waxeey si billow ah isula garteen dhowr qodob:
• Ineey ilaaheey dagaal kula jiraan (maadama shacabku ilaaheey dartiis Bush ugu codeeyeen), hadda iyo wixii ka dambeeya.
• Ineey u baahan yihiin halbeeg siyaasadeed oo meel loogu soo hagaago leh, ka gadaal olole baaxad weyn, asiise aan ciwaan laheyn.
• Ineey biyo kama dhibcaan tahay in dibu habeyn ballac & dhirir-ba ah lagu sameeyo xisbiga Dimoqraadiga.
Intaas ka sokow, xisbiga dimoqraadigu waxeey leeyihiin xiddigo eey isugu diyaarinayaan doorashada 2008. Iyadoo eey jiraan aqyaar badan oo u sii xusul duubaya doorashada 2008, haddana waxaa ugu cad cad:
# Hillary Clinton – Oorida Madaxweyne Clinton oo aad caan u ah.
# John Edwards – Senator-ka sanadkan Kerry ku lifaaqnaa.
Waxaa kaloo la hadal hayaa Barac Obama oo ah Senator hadda laga soo doortay Illinois , asal ahaana ka soo jeeda wadanka Kenya . Walow khibrad ahaan eey rajadiisu aad daciif u tahay.
Isku soo duuboo, doorashada Madaxweyne Bush waxeey tooshka ku ifisay is beddel hor leh oo ku yimid shacabka Mareykanka, duruufaha jira awgeed. Waxaa soo if baxday in shacabku uu dhaqankiisa iyo diintiisa wax walba ka hor marinayo. Waxaa muraara dillaac u curatay xisbiga Dimoqraadiga, oo garawsaday jabka iyo jiho la'aantaba. Caalamka intiisii kalena waxaa dib ugu cosboonaatey affar sano kale oo “i dhig & i qaad ah”. Walow in is beddel dhacana eey suura gal tahay.
Abdirahman Ceynte
Hiiraan Online
Minnesota
Kala xiriir: ceynte@hiiraan.com