Ganacsato doonaysa in ay maalgashato Kaluumaysiga Puntland oo Booqasho ku yimi Puntland


Waxaaa Taariikhdu markay ahayd May 31 2004 soo gaaray Magaalada Boosaaso labo Nino oo ah Ganacsato u dhalatay Dalka Norway oo lagu kala Magacaabo Arfe Nerland iyo Paul Grimen, Ganacsatadaa ayaa waxaa safarkooda ku weheliyay Ganacsato u dhalatay Gobolada Puntland,oo uu ka mid yahay Madaxa shirkada Telfoonada Netco ee Boosaaso ahna Madaxa shirkada Diyaaradaha Daallo ee Boosaaso Maxamed Saalax Yuusuf.

Ganacsatadaa ayaa waxaa ay ku mareen kormeer Booqasho ah Dekada Magaalada Boosaaso iyo Shirkada Necfish ee kaluumaysiga waxaa Booqashadoodaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Faraax Maxamuud Yuusuf (Dooxajoog) iyo Mas,uulka shirkada SOMCAN oo ah shirkad ilaalisa Badaha Puntland Cabdi Cali Taar (Xiif), kadib booqashadaa Waxaan wax ka waydiinay Safarka Ganacsatadaa Wasiirka Ganacsiga DGPL Dooxajoog oo aan ugu Horeentii Waydiinay waxa ay doonayaan in ay maal gashadaan Ganacsatadaan? waxa uu Wasiirku ku jawaabay in ay doonayaan in maal gashadaan Warshado Kaluumaysi iyo in ay Bada ka kaluumaystaan, mar aan Wasiirka wax ka waydiinay in ay jireen shirkado hore uga kaluumaysan jiray Badaha Puntland oo ay keeneen Ganacsato Reer Puntland kuwaan waxa ay kaga duwanyihiin kuwii hore? ayuu wasiirku ku jawaabay in ay kuwaan doonayaan in ay keenaan warshado kadibna ay maraakiibtooda ku soo xirtaan Dekada Boosaaso ay tahay in ay u maal gashanayaan in ay siiyaan shaqo shaqaale badan oo ka shaqeeya warshadahaa iyo qaybaha kaluumaysiga, wasiirka ayaa ku daray hadalkiisa in ay kala hadleen sidii ay Ganacsatadaan u xoojin lahaayeen Shirkada Ilaalisa Badaha Puntland ee SOMCAN oo uu hada Wakiilka shirkada (Xiif) uu nala Fadhiyo.

Wasiirka Ganacsiga DGPL oo ka waramaayay in uu Ruux kasta Maalgashan karo Puntland Qayraadkeeda kala duwan ayuu sheegay in ay Wasaarada ganacsiga ku soo dhaweyneeyso ayna Doonayaan in shaqo ay ka helaan shaqaale badan oo u dhashay Puntland iyo Soomaaliya intaba.

Published: Source: somalitalk.com

Related Articles