Saraakiil ka socota CIA-da Mareykanka iyo kuwa Xabasho ah oo iska kaashanaya baaritaanada lagu sameynayo weerarkii ka dhacay Baydhabo


Baydhabo, 20-September-06 ( Qaadisiya.com) Dawladda kmg ee fadhigoodu yahay Baydhabo ayaa ka codsatay wakaalada sirdoonka Mareykanka ee marka magaceeda la soo qaabiyo loo yaqaano CIA-da in ay ka saacido baaritaanada lagu sameynayo qaraxyadii uu ka bad baaday C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana lagu wadaa in saraakiishaasi ay ku soo gaaraan magaalada Baydhabo muddo 24 saacadood ah.

Wargayska Al-sharqal Awsat ee ka soo baxa magaalada London oo soo xiganaya saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda kmg ayaa xaqiijiyay in saraakiil ka socota laanta sirdoonka Mareykanka ay soo gaari doonaan magaalada Baydhabo, waxa ayna saraakiishaasi ka imaan doontaa saldhiga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin wadanka Djabouti.

Saraakiishan Mareykanka ah ayaa ka qeyb qaadanaya baaritaano haatan ay wadaan saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Xabasho ah oo soo gaaray Baydhabo si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka danbeeyay weerarkii la qorsheynayay in lagu khaarijiyo C/llaahi Yuusuf, walow si weyn loo hadal hayo in dawladda Ethioipia ay masuul ka ahayd weerarkaasi kadib markii xiriirka kala dhaxeeya C/llaahi Yuusuf uu xumaaday bilihii ugu danbeeyay.

C/llaahi Yuusuf oo waraysi siiyay wargayska Alsharqal Awsat ayaa beeniyay in dawladda Ethiopia ay masuul ka tahay weerarkii uu ka bad baaday, isagoo sheegay in weerarkaasi ay soo maleegeen kooxo uu ku tilmaamay argagixiso, waxa uuna yiri baaritaanada socda ayaa cadeyn doona cida ka danbeysay shirqoolkii layla damacsanaa.

Published: Source: shabelle.net

Related Articles