Sanca(AllPuntland)-Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Mud: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan la yeeshay Raysul baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan.kulankaasi oo ka dhacay Sanca xarunta Yaman
Warkan oo ay goor dhow qortay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa intaasi ku daraya in wali ay jirto kala qaybsanaan ku saabsan halka ay xukuumaddu waqtigan caga dhiganayso
Madaxwaynaha Dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa isku dayay inuu labadan masuul aad isugu soo dhaweeyo isla markaana ay meel isugu yimaadaan.
Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay isku fikrad yihiin Raysulwasaare Geeddi ayaa Maalintii Saddexaad ay kulamadoodu Socdaan , ayadoo ay jiraan qodobbo la isku afgartay hase ahaatee uu wali mugdi jiro.
Madaxwynaha oo Todobaadkii hore u duulay Yaman ayaa ku doodaya in magaalada Muqdisho ay tahay meel ammaankeeda aan la la isku hallayn karayn , isla markaana raba in dawladdu si kumeel gaar ah usii joogto Jowhar.
Af-hayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya Yuusuf Bari Bari oo u waramayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay wali socdaan wada hadalladu, labada dhinacna ay maskaxda ku hayaan danta umadda Soomaaliyeed.
Wakaaladda wararka ee Yaman ee SABA ayaa laga soo xigtay inay tiri wada hadallada Shariifka iyo C/laahi Yuusuf waxaa ka muuqda ifa faale wanaagsan.
Wasiirka Arimaha Diinta ee DFKGS Cumar Finish ayaa hore u sheegay in wada hadallada masuuliyiinta dawladda ee kusugan Yaman isha lagu hayo , in is afgarad kasoo boxona ay dan u tahay jirirtaanka dawladda.
CCC Farayaamo