Jowhar(AllPuntland)-Magaalada Jowhar ee fariisinka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu xusayo maalinka xuquuqul Insaanka adduunka oo ku beegan 10ka December.
Xafaladdan ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha kala duwan ee dawladda iyo shacabka magaalada Jowhar kuwaasoo muujinyay sida ay diyaarka ugu yihiin ilaalinta xuquuqul Insaanka.
Kooxaha u ololeeya xuquuqul Insaanka ee kusugan magaalada Jowhar ayaa soo bandhigay hal ku dhagyo ay uga soo horjeedaan ku tumashada xuquuqul Insaanka ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Wasiirka xuquuqul Insaanka dawladda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa xafladdaasi hadal ka jeediyay wuxuuna ku nuux nuuxsaday in tan iyo markii dawladda Soomaaliya ay bur burtay iyo intii ay dhisnaydba lagu tuman jiray xuquuqda aadanaha ,asagoo tilmaamay inay dawladdu arintaasi go'aamo kasoo saartay.
Md: Faahiye wuxuu xusay inay diiwaanka ku jiraan dadka ku tunta xuquuqda insaanka lana hor keeni doono sharciga mar aan fogayn asagoo dadka Soomaaliyeedna ugu baaqay inay aad ugu dadaalaan ilaalinta xuquuqul Insaanka.
Wasiirka Xuquuqul Insaanku wuxuu ku nuux nuuxsaday in kutumashada xuquuqda insaanku ay tahay mid ka reebban bulshada dhexdeeda xag diiniyan iyo xag maaddi intaba.
Xuska maalinta xuquuqul Insaanka waxay kaloo ka dhacday magaalooyin dhowr ah oo dalka Soomaaliya katirsan oo ay kamid yihiin , Muqdisho , Baydhabo iyo Boosaaso.
Ayadoo guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan xuquuqda Insaanka meel looga dhoco ayaa haddana waxaa la sheegay meelaha ugu daran ee xuquuqda lagu tunto inay kamid tahay magaalada Muqdisho halkaasi oo dadka loo gaysto falal ay kamid yihiin Gawrac.
CCC Farayaamo
AllPuntland