Bossaso, Mar 23 - Rabshado ka dhacay Bossaso oo ay ku dhinteen 3 qof, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen kadib xariga mid ka mid ah wadaadada magaalada.
Mid ka mid ah wadaada magaalada Bossaso oo la sheegay in uu xiriir la leeyahay Islaamiyiinta ka arrimiya Koonfurta Somaliya ayaa waxaa waxaa xiray saraakiisha Sirdoonka Puntland ee fadhigoodu yahay Bossaso.
Wadaadka ayaa la sheegay in uu muddo ku sugnaa Kismaayo, looga shakiyey in uu lug ku leeyahay dagaalada kooxaha Islaamiyiintu ay ka wadaan Koonfurta Somaliya, uuna qayb ka yahay qorshe ay doonayaan in ay xasilooni darro ka bilaabaan gobollada Puntland.
Saraakiisha sirdoonka ayaa sheegay in ay hayaan xog cadaynaysa qorshe qarsoon oo ay doonayaan kooxaha Islaamiyiinta ahi in ay dagaallada iyo rabshadaha ay ka wadaan koonfurta Somaliya u soo waaridaan gobollada kale ee dalka, sida gobollada Puntland.
Xariga wadaadaka kadib ayaa dadweyne caraysani ay mudaaharaad ku sameeyeen wadooyinka magaalada. Taayiro ayaa ay ku gubeen wadooyinka magaalada, iyaga oo sidoo kalena dhagax tuur ku sameeyey ciidanka sirdoonka ee xiray wadaadaka.
Ciidanka sirdoonka ayaa deetana isku dayey in ay kala didiyaan dadka mudaaharaadayey, xabadana kor ugu riday, inkasta oo markii dambe arrintu faraha ka baxday, khasaare isugu dhimasho iyo dhaawacna ay dhaceen.
M/weyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo ka hadlay rabshadaha ayaa ugu baaqay shacabku in ay joojiyaan rabshadaha, is-dejiyaan, una daayaan arrinta in ay xallilaan ciidanka bilayska.
Waxaa uu intaas ku daray in la xallin doono mushkilada sida ugu dhaqsaha badan.
Md. Shire oo la hadlay saxaafada maxalliga ah ayaa ugu baaqay dadka mudaaharaadayey in ay sharciga u hogaansamaan, una ogolaadaan hay'adaha amnigu in ay xilkooda gutaan; waxaa kale oo uu sheegay in wadaadka lagu wareejin doono ciidanka bilayska ee magaalada Bossaso.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland oo isna ka hadlay rabashadaha ayaa sheegay in wadaadka lagu wareejiyey ciidanka bilayska.
Wadaadka la xiray ayaa magiciisu lagu sheegay Sheekh Cismaan Maxamed Shire, lana sheegay in uu hadda ka soo laabtay Kismaayo iyo gobollada koonfureed ee Somaliya, xiriir hoosena la leeyahay Islaamiyiinta ka dagaalama koonfurta Somaliya.
Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.