By Y.C.Qammaan Posted to the web 20-09-2004, 12:40:06
Dhoobley:-G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa Galabnimadii Axada ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley ,isagoo hogaaminaya Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Jabhada SPM,Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Duqa Magaalada Dhoobley Xayi Barqadle iyo mas'uuliyiin katirsan Beesha Absame.
Waqti-yar Dabadeed G/kuxigeenka iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa ka qayb- galay Aasitaan lagu aasayey Haweeney 82 jir oo maalintii jimcaha ay dhaawac u geysteen Ururka Al-itixaad ee ku soo duulay Degmada Dhoobley kadib markii haweneydaasi ay u dhimatay Dhaawacaas.
G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo ay horkacayaan Duqda Degmada Dhoobley Xayi Barqadle iyo masuuliyiin kale oo katirsan dadka degaanka ah ayaa waxay marsiiyeen G/kuxigeenka Dhamaan Goobihii Maleeshooyinkii Al-itixaad ee kasoo duulay Marka iyo Muqdisho ay ugeysteen dadka Deegaanka Dhoobley.
Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa isla galabnimadii ka jeediyey khudbad aad u dheer meel fagaare ah oo ay isugu soo baxeen dadka Deegaanka Dhoobley hadalada carabkiisa ka soo baxayna waxay u dhaceen sidatan"Anagu hadaan nahay masuuliyiintii Jabhada SPM aad baan uga xunahay dhibaatada loo geystay shacabka aan masuulka ka nahay,waxaanse ku faraxsanahay sidii geesinamada lahayd ee Ciidamada Deegaanku ay isaga dulqaadeen dhibkii loo gestay, waxaana farayaa dadka inay ilaahay usabraan wixii ka soo gaaray dhibaatadii dad iyo maalba laheyd ee lagula kacay.Waxaan usheegaynaa cid walba uu ku soo duushay Jubaland inaanu Gorgortan aanu kala gelikarin deegaanada Jubaland iyo Baardheeraba waa sida uu hadalka u dhigaye".
G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan iyo saraakiil kale oo la socota ayaa maalinta Beri ah oo ay bishu tahay (20/9/04) lagu wadaa inuu booqasho ku maro Degmooyinka Afmadow iyo xagar.
Dhinaca kale wariyaha Puntlandpost u fadhiya Deegaanka Dhoobley ayaa u sheegay Warsidaha Puntlandpost in Col.Barre Hiiraale oo ka tirsan Maleeshiyada Dooxada Jubba ee ka soo hayaamay Deegaanada Gal-gaduud uu khadka taleefanka uu kula xiriiray Duqa Degmada Afmadow isagoo uga tacsiyeey dhibaatooyinkii ay maleeshiyadoodu ugeysteen Dadka deegaanka dhoobley,wuxuuna Bare Hiiraale ka dalbaday Duqa magaalada Dhoobley Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud inay ku martiqaadaan isaga iyo odayaasha Beesha Absame Magaalada Kismaayo.
Duqa Magaalada Afmadow Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud ayaa ku gacansayray codsiga Bare Hiiraale isagoo ugu baaqay marka hore in wadahadal uu ku imaankaro oo kaliya iyagoo kala baxa Deegaanada Jubooyinka Maleeshiyda laga soo jafjafay Gobolada Galgaduud ,Hadalkaasna uu aad uga xanaajiyey Col. Barre Hiiraale.
Wuxuu kaloo noo xaqiijiyey wariyaheenu in dagaalo ay ka dhaceen Maalintii Axada Deegaanada Cabdala Biroole iyo agagaarka buulo xaaji halkaasna loogu awood sheegtay Ciidamada ka soo hayaamay Muqdisho marka iyo gobolada gal-gaduud.
Ciidamada Deegaanka Jubooyinka ee uu horkacayo Gen,Maxamed Saciid xirsi "Moorgan" ayaa dagaalkan dhacay maalintii Axada u geystay maleeshiyooyinkan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba tiro cadadeedu le'egtahay 28 qof iyo labo baabuur oo teknikada ay wateena ay la qaraxday Miinooyin dhulka loogu xabaalay.
Yuusuf Cali Qammaan
Puntlandpost,Dhoobley,Soomaaliya