Mbagathi: Wararkii ugu danbeeyey ee shirka Soomaalida iyo maanta


Mbagathi(Allpuntland)-Iyadoo kulankii 9aad ee Wasiirada Fududaynta IGAD oo dhowaan ku soo gabagaboobey madasha shirka dib u heshiiisiinta Soomaalidu ka socdo ee Mbagathi ay kaga dalbanayeen in beelaha Soomaalida ee aan weli soo gudbin xubnihii baarlamaanka ay ku soo gudbiyaan muddo laba maalmood ah ,ayaa waxaa maanta ka socdey madasha shirka ee Mbagathi kulammo kala goonni goonni ah oo ay yeelanayeen beelo ka tirsan kuwa Soomaalida si ay arrimaha laga codsanayey u fuliyaan,maadaama waqtiga u harsan beelaha ee la doonayo in lagu dhaariyo xubnaha baarlamaanka oo dhammaystiran ay ka harsan tahay 12 maalmood oo keliya oo ku beegan 19ka bishaan.

Beesha Harti oo kulan ay isugu timid oo ku qaybsan lahaayeen xubnihii baarlamaanka dib ugu dhigtay maalinta Isniinta ah

Mbagathi: Ergada beesha Harti oo ka tirsan beelaha Daarood ayaa saaka waxay kulan isugu yimaadeen madasha shirka Mbagathi,kulankaas oo ay kaga wada arrinsanayeen sidii ay u qaybsan lahaayeen xubnihii baarlamaanka ee ay saamiga u heleen.

Kulankaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay hoggaamiyeyaasha siyaasadda ,kuwa dhaqanka iyo ergada beeshaas ,waxaana kulankoodaas uu mar kale dib ugu dhacay maalinta Isniinta ah ee foodda inagu soo haysa ka dib markii ay isla garteen in laga warsugo rajo ay dhammaan beelaha Soomaalidu ka qabaan in xubno dheeraad ah loogu daro xubnihii hore ee la qorsheeyey ,iyadoo uu horay markii uu socdey kulankii Wasiirada ayna la kulmayeen beesha Daarood uu madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Yuusuf ka codsaday Wasiirada IGAD iyo Guddiga Fududaynta IGAD in beelaha Soomaalida mid kasta loogu daro 7xubnood oo dheeraad ah ,si loogu kaabo beelaha wax tabanaya iyo weliba haweenka Soomaaliyeed oo aan xaquuqdoodii si buuxda u helin oo aan aad uga dhex muuqan xubnaha ay beeluhu iska soo xuleen .

Arrintaas oo ay Wasiiradu u riyaaqeen balse aanay jawaab ka bixin ayaan la xaqiijin karin in xubno dheeraad ah lagu dari doono tiradii 275ta ahayd ee hore loo qorsheeyey iyo in kale,balse waxay beeluhu quudaraynayaan in ay muhiim tahay in loogu kordhiyo xubnahaas 7da ah beel kasta.

Beesha Jareer Weyne oo qaybintii Xubnohoodii Baarlamaanku ay u gudubtey Guddiga Fududaynta IGAD ka dib markay heshiin waayeen

Mbagathi: Beesha 5aad (Others) oo markii horeba ku heshiin waayey inay dhexdooda ka qaybsadaan xubnihii baarlamaanka ee ay saamiga u heleen oo ay ugu danbayntii u qaybiyeen Guddiga Xallinta Khilaafaadka beeluhu ayaa waxay ku guulaysteen intooda badani inay u gudbiyaan magacyadii xubnihii uga mid noqon lahaa baarlamaanka ee loo qaybiyey marka laga reebo beesha Jareer Weyne.

Haddaba maanta ayaa waxaa kulan gaar ah ku lahaa madasha shirka Mbagathi ergada beesha Jareer Weyne iyo Guddiga Fududaynta IGAD ,iyagoo ka wada hadlayey sidii loo midayn lahaa labo liis oo ay kala gudbiyeen siyaasiyiinta iyo duqowda dhaqanka ee beeshaas.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta beeshaas oo aan doonayn in la magacaabo ,oo aan la kulmay isla markaana wax ka weydiiyey waxa ay Guddiga Fududaynta IGAD kala hadlayeen iyo waxa ay isla meel dhigeen ayaa waxa uu yiri annaga arrintii waa naga wareegtay oo Guddiga Fududaynta IGAD ayaa noo caddaysay inay go'aan ka gaarayaan labada liis ee aanu kala gudbiney iyaga ayaana soo qoraya hal liis oo kama danbays ah.

Beesha Eelaay oo ka cabanaysa wax isdaba marin iyo wax ka bedel lagu sameeyey xubnihii baarlamaanka ee jifadaas oo ay ku eedeeyeen mid ka mid hoggaamiyeyaasha RRAda

Mbagathi: Nuqul ka mid ah qoraal uu ku saxiixan yahay malaaqa beesha Eelaay Malaaq Guudoow Caliyoow Eenoow oo ka tirsan malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo soo gaarey Allpuntland.com ayay waxay kaga cabanayaan in beesha Eelaay uu mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha RRAda oo aysan magacaabin kula kacay qaladaad iyo faragelin la xiriirta soo gudbinta xubnihii ay jifadaasi saamiga u heshay oo ka kooban 3 xubnood, ka dib markii uu bedelaad ku sameeyey waa sida ay hadalka u dhigeene 2 ka mid ah kuwii ay soo magacaabeen oo 2 kale booskoodii geliyey.

Magacyada ay jifadaasi u gudbisey xafiiska IGAD oo isagana mid ka mid ah qoraalkii ay ku magacaabeen uu bogga Allpuntland soo gaarey ayna ku saxiixnaayeen Shariif Saalax iyo Cabdalla Deeroow oo ogolaaday iyo malaaqa oo soo gudbiyey ayaa waxaa ku qornaa in beeshu ay soo xushay magacyadaan:

1-Mr.Cabdi Xaaji Yariis

2-Mr.Cabdulqaadir Qaasim Mursal

3-Mr.Cabdullaahi Macallin Maxamed

Hase yeeshee mar aan weydiiyey bal cidda ay sheegayaan in la bedelay iyo kuwa lagu bedelay ayaa mid ka mid ah ergada jifadaas uga qaybgelaysa shirka waxa uu ii sheegay in hoggaamiyahaas ka tirsan RRAdu uu bedelaad ku sameeyey labada nin ee la kala yiraahdo

Cabdulqaadir Qaasim iyo Cabdullaahi Macallin ,iyadoo ayuu intaa raaciyey Cabdulqaadir Qaasim oo hore loo magacaabay lagu bedelay Ibraahim Cabdullaahi Cismaan ,halka Cabdullaahi Macallin oo isagana hore loo magacaabay la geliyey booskiisii Fawsiyo Maxamed Sh.Xasan.

Qoraalkaas ayay ii sheegeen inay u gudbiyeen Guddiga Fududaynta IGAD ayna jawaab ka sugayaan loona baahan yahay in jifadayada naloo madax banaaneeyo cidda aanu soo xulanay.

Iimaan Cali Cabdi
Allpuntland,Nairobi,Kenya

Published: Source: allpuntland.com

Related Articles