Muqdisho(AllPuntland)- Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ayaa ku dhawaaqay jihaad dhan ka ah dawladda Itoobiya , warakan ayaa soo baxay maanta oo Khamiis ah , xilli lasheegayo in Itoobiya ay usoo gudubtay Soomaaliya.
Labada dhinac ee kala ah dawladda iyo Maxkamadahaba waxaa ciidamadooda ay ku jiraan heegan ballaaran, taasi oo bulshada cabsi ku dhalisay.
Sheikh Mukhtar Robow, oo maxkamadaha ka tirsan ayaa sheegay in ciidan wata 20 tikniko ah oo Itoobiyaan ah inay Arbacadii Dooloow kasoo gudbeen.
" Haddii Ilaahay idmo Itoobiyaanka waannu ka kaxayn doonnaa dalkeenna , waxaana ku dhawaaqaynaa Jihaad ka dhan ah" ayuu warfidiyeennada u sheegay Robow.
The regional power, Ethiopia backs the interim government of President Abdullahi Yusuf, based in the provincial town of Baidoa because it lacks the strength to move into Mogadishu.
Dawladda Adis Ababa ayaa jawaab kabixisay ereyga Jihaad ee ay ku dhawaaqeen maxkamadaha Islaamiga Muqdisho, waxayna ku tilmaantay mid doqon nimo ah isla markaana ah dacaayad aan qiimo badan lahayn.
Addis Ababa termed the jihad call "foolish and cheap propaganda" aimed at winning support from Muslim states.
"Maxkamaduhu waxay rabaan inay qasaan dawladda shida sharciga loo soo dhisay ee Federaalka Soomaaliya" sidaasi waxaa yiri afhayeenka wasiirka arimaha dibada Zemedhun Tekle.
Itoobiya way beenisay inay soo gashay Soomaaliya, waxayse ballan qaadday inay bur burinayso haddii ay Baydhabo qabsadaan ama ay xudduuddeeda kasoo gudbaan.
Dawladda Itoobiya oo caadi ahaan dadkeedu u badan yihiin Kiristaan ayaa ka baqo qabta in Islaamiyiintu ay gobolka saamayn ku yeeshaan.
CCC Farayaamo
AllPuntland