Khamiis, May 13, 2004
Waxaa maanta maalintii afaraad socday dagaalkii ay beryahaanba isaga soo hor jeedeen maleeshiyooyin ku dagaalamayay magaalada Muqdisho dhinaceeda Waqooyi, iyadoo aaney jirin cid isku howshay in ay si xoog ah ku kala dhex gasho oo markaasina ay u baajiso qasaaraha dagaalkaas oo ah mid sii baahaya.
Saakay ayay mar kale ku waabariisteen dadka Muqdisho dhawaqa madaafiicda loo isticmaalo lidka diyaaradaha, taagniyada iyo daaraha marka la duminayo, waxaana la oran karay dagaalka maanta socday waa uu ka qasaare badnaa kuwii dhacayay labadii maalmood ee ka horeysay, iyadoo dadka ku waxyeeloobayana ay u badan yihiin dadka rayidka ah oo ay guryahooda ugu tegayaan madaafiic iyo rasaas yar yar oo habow ah.
Waxaa jiray oo horay loo shaaciyay guddi nabaddoono ah oo 30 xubnood ka kooban, kuwaasi oo uu daminta colaadan u magacaabay Imaam Maxamuud Imaam Cumar, haseyeeshee kuwaasi arintooda waa ay soo dhaafi la' dahay in ay afka uun ka yiraahdaan dagaalka hala joojiyo.
Wax lala yaabo oo aan la aqoonin wax lagu tilmaamo ayay dad badan oo waxgarad ah ku sheegeen dagaallada maalintii afaraad ka socda degmooyinka C/casiis, Shangaani, Shibis iyo Boondheere, iyadoo weliba beelaha kale ee ay isku heybta yihiin kuwa dagaalamaya ay indhaha ka daawanayaan dhibaatada sii baaheysa ee ka dhalatay dagaaladaas.
Waxaa iska soo daba dhacaya oo aan dheg jalaq loo siineynin baaqyo nabadeed oo ay soo saarayaan ururo u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigoodu yahay K/Soomaaliya, kuwaasi oo xitaa haddii ay baaqyadooda ku soo dareen hanjabaad ah in lagula xisaabtami doono dhinacyada dagaalamaya qasaaraha ay bulshada u geysanayaan aaney waxba tarin hanjabaadooda.
Dagaalkan ayaa markiisii hore ka bilowday maleeshiyooyin ka kala amar qaata ganacsade Bashiir Raage Shiiraar iyo kuwo kale oo iyana ilaalo ka ah Hotel-ka Global ee ka soo horjeeda ex Shineemo Xatarmuut, kuwaasi oo muddooyinkan is-maaganaa, waxaadse haatan moodeysaa in uu dagaalka intaas ka sii baahayo oo ay ku soo birayaan maleeshiyooyin kale oo dhinacyadaas u soo gurmaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online saladxiis@yahoo.com
Mogadishu , Somalia
Related Articles
Dagaaladii Muqdisho oo socda
Somalia