Puntland (AllPuntland)- Isbaddalkii Madaxwaynaha DG Puntland C/laahi Yuusuf Axmed uu kusameeyay Golihiisa Xukuumadda ayaa waxaa jawaabo kala duwan ka bixiyay Madaxda Puntland qaarkood, inkastoo ay jiraan kuwo ka gaabsaday inay jawaabo ka bixiyaan.
Magacaabidda Xukuumadda cusub oo tiro ahaan kooban, si weynna ay u soo dhaweeyeen shacabweynaha Puntland ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid soo gunaanadi doonta is-qabqabsigii ka dhexeeyey Golaha Xukuumadda.
Wasiirkii hore ee Wasaaradad Ganacsiga Md. Faarax Dooxajoog oo ka mid ah ragga waayey xilkii ay u hayeen xukuumadda ayaa ku tilmaamay xilwareejinta lagu sameeyay isaga iyo masuuliyiinta kale mid aan sharci ahayn. Md. Dooxajoog oo la soo wada shaqeeyey Golayaashii hore ee Xukuumada ayaa sheegay in isbeddelkan uu Madaxwaynuhu sameeyay uusan dan u hayan umadda Puntland, Waxa uu intaas ku daray in isaga iyo beeshiisu ay go'aan ka gaari doonaan, taas oo uu ku macneeyay in beel dhan laga tagay.
Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Col. C/risaaq Maxamud Yuusuf (afguduud) ayaa isagu soo dhaweeyay isbaddalka lagu sameeyay xukuumadda. Mudane Afguduud waxaa uu sheegay in asaguba uu xilka kala wareegay nin la mid ah, diyaarna uu yahay in uu xilka wareejiyo.
Wasiir ku xigeenka hore ee Kalluumasyiga Md. Bile Qabawsade ayaa ku tilmaamay magacaabistan inay tahay mid wax u dhimaysa jiritaanka Puntland. Hadalka la xusi karo ee wasiir kuxigeenka ayaa ahaa in jagada haatan laga qaaday loo magacaabay nin udhashay Koonfurta Gaalkacyo ee Baraxley.
Wasiir ku xigeenkii hore ee Warfaafina Md. C/shakuur Mire Aadan oo asaguna jawaab ka bixiyay isbaddalka dawladda ayaa sheegay in Madaxwaynuhu daw u leeyahay in uu xukuumadda wax kabaddalo. Md. Abdishakur ayaase tilmaamay in loo baahan yahay in haanta la culo oo uu markaasi u la jeedo in is bedel loo baahnaa. "Hal mid ayaan kula talinayaa Madaxwaynaha Puntland oo ah in haddii uu Madaxwaynuhu ku soo hungoobo Kenya inuu aqbalo oo uusan qorshe kale la imaan" ayaa yiri Md. Abdishkur.
Guddoomiyeyaashii Gobolada Bareedo (Bari) iyo Mudug oo labadaba xil-wareejin lagu sameeyey ayaa u cabiray xil kaqaadistan siyaabo kala duwan. Md. C/rashiid Cali Xaashi, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug, ayaa sheegay in xil ka qaadistan ay ahayd mid uu horay uga codsaday Madaxwaynaha isla markaana loo magacaabay nin ay saaxiibo yihiin. Waxa uu intaa ku daray in xataa kuraastii u diyaariyay.
Md. Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bareedo (Bari) ayaa isbeddelka lagu sameeyay maamulka ku sheegay inay tahay mid aan Ummadda lagala tashan isla markaasna aysan aqbalayn. Waxaana uu carabka ku dhuftay in dhismaha xukuumadda uu C/laahi Yuusuf kala tashtay Gen. Cadde Muuse oo qudha.
Sida ay ku soo waramayaan weriyayaasha AllPuntland ee magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Laascaanod iyo Garowe shacabweynaha Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyey dhismaha Xukuumadda cusub.
Xukuumadda cusub oo badi ka kooban Wasiiro cusub ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid isu soo dhawayn doonta xiriirka Madaxda sar sare ee Maamulka, isla markaana soo gunaanadi doonta is-qabqabsigii ka dhex aloosanaa Golihii hore ee Xukuumada DG Puntland.
CCC Farayaamo
AllPuntland.com