Dagaalo u dhexeeya dowlada Somalia iyo mucaaradka diidan ayaa weli ka socda qaybo ka tirsan waqooyiga Muqdisho, iyadoo duqeymo iyo dagaalo xalay iyo saakay dhacay ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 12-qof.
Sidoo kale 20-qof ayaa ku dhaawacmay duqeymahan iyo dagaladan aan kala joogsiga lahayn, waxana khasaaraha ugu badan ee duqeyntu geysatay ay ka dhaceen dhisme weyn oo ku yaala degmada Yaaqshiid, kasoo gantaalo lagu burburiyay.
Dagaal cusub oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo Isbahaysiga ka horjeeda ayaa maanta [Jun 22] ka dhacay degmada Kaaran, iyadoo dhinacyadu ay isku adegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
"Sadex qof oo ku dhintay dagaalkii maanta ayaan arkay, sidoo kale tiro kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana goobaha dagaalku uu ka socdo weli ku xayiran dad rayid ah iyadoo korontadii iyo biyihii deegaanadaas la jaray" ayay tiri Xaliimo Daa'uud oo sheegtay inay saakay si dirqi ah caruurteeda ula soo baxday gurigeeda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka socda uu qayb ka hogaaminayo Xil. Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dagaalka Muqdisho, isagoo sheegaya inuu difaacanayo gurigiisa oo uu dagaalku soo gaaray.
Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan toogasho ku dilay mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia, kaasoo dagaalka ku biiray markii lagu soo dhawaaday gurigiisa, waxaana lala dilay afar qof oo ay ku jiraan ilaaladiisa gaarka ah.
Saraakiisha DF ee hogaaminaya dagaalka ayaa sheegay inay dagaalka sii wadayaan inta ay dib u qabsanayan goobihii hore looga qabsaday, iyadoo sarakiisha mucaradku ay sheegeen in dagaalka socda aysan joojinayn inta ay hadafkooda ka gaarayaan.
Dagaalka ka socda waqooyiga Muqdisho ayaa sababay inay qaxaan kumanaan qof oo aan weli ka qixin caasimada, kuwaasoo ku biiray dadkii ku sugnaa duleedyada Magaalada Muqdisho.