Tuesday, April 26, 2005
Wabiga Shabeele Oo Maanta Ka Fatahay Magaalada Jowhar
Jowhar (AllPuntland)- Wabiga shabeele ayaa manta ka fatahay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarrunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, ka dib markii labadii habeen ee u dambeysay uu keenay biyo aad u fara badan.
Xaafada Buulo Makiino oo ka mid ah xaafadaha Magaalada Jowhar ayaa noqotay meesha ugu horeysay ee uu snadkan ka bilaabay wabigu inuu ka fataho, gaar ahaan qeybaha wabiga shabeele uu ka marro Magaalada Jowhar.
Maamulka siyaasada Gobolka Shabeelaha Dhexe oo kaashanaya dadweynaha reer Jowhar ayaa dadaal balaaran ugu jirra sidii looga hortagi lahaa qasaarooyinka uu geysan karro fatahaadaasi, waxaana uu maamulku uu bilaabay inuu gaadiid ku soo daad gureeyo dadka diyaarka u ah in ay si mutadacnimo ah u xiraan halka uu kazoo goostay wabiga.
Wakiilka Warfaafinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka hadlayay arrimaha Fataahada ayaa sheegay inuu maamulku ku bixinayo wax waliba oo karaankooda ah, isagoo intaa ku daray in shacabkuna ay garab siiyaan dadaalada lagu doonayo in looga hor tago qasaarooyinka Fatahaadaasi.
Gudoomiyaha Degmada Jowhar Md: Canshuur Cali Nuur ayaa dadweynaha Magaalada Jowhar ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loo xerri lahaa biyahaasi oo uu sheegay hadii aanan si dag dag ah wax looga qaban in ay saameyn balaaran ku yeelan karaan Nolosha Dadka.
Waxaa socda olole balaaran oo jawaano ciid ah lagu dhigayo goobta uu kazoo fatahay iyo goobaha kale ee uu sida aadka ah uja jilcanyahay Wabiga kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay biyaha soo goostaan.
Abshir Cali
AllPuntland
Related Articles
Dagaaladii Muqdisho oo socda
Somalia