Taliye laga dilay Booliiska Somalia


Saraakiil ka tirsan booliiska Somalia ayaa xaqiijiyay in taliyihii booliiska gobolka Banaadir G/sare Cali Siciid Sh. Xasan lagu dilay dagaal saakay dhexmaray dowlada iyo mucaaradka ka horjeeda, isagoo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii dagaal.

"Col. Cali Siciid, wuxuu ka mid ahaa askartii iyo dadkii ku dhintay dagaalkii saakay ka dhacay Muqdisho... Allaha u naxariisto" ayuu yiri Col. C/llaahi Xasan Bariise oo ah afhayeenka Booliiska Somalia.

Marxuumka ayaa ku dhintay Isbitaalka Madiina sida uu sheegay Col. Bariise, xili halkaas loo dhigay dhaawac ka gaaray xabado dhowr ah oo ku dhacay, waxaana isla maanta lagu aasay qabuuraha Sh. Suufi ee degmada Wardhiigley.

"Aaska sarkaalka waxaa ka qaybgalay xubno sarsare oo ka tirsan dowlada Somalia" ayuu yiri sarkaal booliiska ka tirsan oo xiligaas ku mashquulsanaa, wuxuuna qiray in geerida sarkaalkan ay niyadjab weyn ka qaadeen.

Ilo wareedyo isqariyay ayaa sheegay inay arkeen tiro ciidamada booliiska ah oo lagu dilay dagaalkii saakay, iyadoo sidoo kalena mucaaradka laga dilay tiro kale, balse waxay sheegeen inaysan hayn tirada sugan ee labada dhinac laga dilay.

"Dhallinyaro madaxa cimaado ku xirtay oo wata qoryaha AK-47 ayaa dagaalka kusoo biiray saakay aroortii hore, waxay soo mareen agagaarka gurigeena" ayuu yiri ruux dagan dhabarka dambe ee Isbitaalka xoogga oo ka mid ahaa goobihii lagu dagaalamay.

Saraakiil booliiska ka tirsan ayaa u sheegay Garowe Online in taliyaha la dilay uu ahaa xubnaha ugu firfircoon dagaalada ka qaybgala marka la eego saraakiisha Booliiska, isagoo xusay inay tani dhaawac weyn ku tahay Dowlada Somalia.

Madaxweye Sh. Shariif iyo madaxda kale ee dowlada ayaan ka hadlin dilka sarkaalkan oo muhim u ahaa xukuumada, waxaana sidoo kale ka gaabsaday inuu ka hadlo taliyaha Booliiska Gen. Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid].

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles