Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe oo heshiis dhex dhigay beelo


Jawhar - 09.December.2005 Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ku guuleystey in uu heshiis
dhex dhigo beelo ay haatan ka hor colaadi ku dhex martay gobolkaas.

Heshiisiinta Maxamed Dheere ayaa ka dambeysey kadib markii isaga iyo wafdi ay ku jiraan wasiirro kamid ah Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay booqasho ku tageen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Maxamed Dheere ayaa markii ugu horreysey booqday deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, waxana uu sheegay in iskaashi ay labada gobol ka samayn doonaan dadka dembiilayaasha ah ee falalka burcadnimada iyo falalka kale ka geysta deegaannadaas.

Safarka uu guddoomiyaha iyo wafdiga dawladda federaalku ay ku mareen tuulooyinka labada gobol ayaa waxaa sidoo kale barbar socda dadaallo la doonayo in maamul hoosaadyo loogu sameeyo tuulooyinka hoos yimaadda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shacabka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si weyn u soo dhoweeyey heshiisiinta uu u sameeyey Maxamed Dheere beelo ay horay colaadi uga dhexaysey.

Axmed Xasan Mahad
SBC Jawhar

Published: Source: allsbc.com

Related Articles