June 04, 2005
Kulan balaaran oo maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho oo ahaa mid lagu ballansanaa islamarkaasina lagu qaadayay Jidgooyada taala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid.
Dib u dhacan ayaa la sheegay inay keentay Farsamooyin weli ka harsan diyaarinta qorshaha isbaaro qaadista guddigii loo xilsaaray sida uu sheegay Maxamuud C/laahi Sifir oo ah Ra`iisal Wasaare ku-xigeenka Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu Saxaafadda u sheegay in kama danbeys isbaarooyinka yaala gudaha magaalada Muqdisho la qaadi doono maalinka Talaadada ah ee foodda nagu soo heysa, taariiqduna ay ku beegan tahay 5ta bisha Juun,sifir ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay rajo laga qabo isbaaro qaadista Muqdisho oo dhan,isagoo xusay in lagu guuleeystay qaadista isbaarooyinkii yaalay gudaha magaalada Muqdisho qaarkood.
Tan iyo markii la magacaabay Guddigii isbaaro qaadista ee Muqdisho
Kulankii maanta oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow iyo wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta cismaan xasan cali caato oo maalmo yar ka hor u duulay wadanka kiinya, sababo aan la shaacin.
Dadweyne aad u farabadnaa oo ka dhursugayay Go`aanka xubnaha Labada Gole shirkoodii maanta hase ahaatee, waxay ka soo baxeen albaabka weyn ee xarunta baarlamaanka, iyagoo saamo jiidaya,rajo xumana ay wajeyadooda ka muuqato.
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
somalinet, mogadishu