Sunday, November 28, 2004 at 05:51
Garoowe (AllPuntland)- Shirkii uga socday Issimada Puntland ee uga socday Xarunta Cilmi barista PDRC ee Magaalada Garoowe ayaa manta Issimadu waxay soo saareen Bayaan Nabadeed oo ku aadan Ciidamada isku horfadhiya Gobolka Sool.
Sidoo kale iyadoo uu dhammaaday waqtigii loo qoondeeyey inuu socdo shirka issimadu welina aysan muuqan inuu soo gebo geboobayo ayaa sarkaal sare oo ka mid ah Hay’adda PDRC sheegay inay wadi doonaan kaalinta kaga aadan Hawl fududayna shirka mudada uu socdo intii ay doonto ha qaadatee.
Bayaanklaan oo ay ku saxiixnaayeen Magacyada Issimada shirku u socdo ayaa u qornaa sidan.
Ujeeddo:- Baaq Nabadeed.
Annagoo ah Issimada Puntland ee ku shiraya Garoowe ayaan waxaan soo jeedinaynaa Baaq nabadeed oo ku saabsan Xiisadda Siyaasadda iyo Tan Millatari ee dhextaal Puntland iyo Somali land.
Annagoo ka duulayna Baahida loo qabo Xasiloonida, Nabadgelyada iyo derisnimada labada Gobol iyo labada Shacab ee walaalaha ah.
Annagoo tixgelinayna lagama maarmaanimada in laga hortago dhiig qubta iyo dagaal waxa aan labada maamul iyo labada Shacab ee walaalaha ah ugu baaqynaa .
1. In Dagaalka la joojiyo oo aan Dagaal dambe ka dhicin Gobolada Sool iyo Sanaag.
2. Waxaan soo jeedinaynaa in ciidamada lagu kala celiyo Fariisimadoodii Dagaalka ka hor.
3. In labada maamul ku dhammeeyaan Khilaafka ka dhexeeya hab wada hadal Nabadeed ah, lagana Fogaado wixii keeni kara Dagaal. Waxaan mar kale idin xusuusinaynaa Oraahdii ahayd “Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho”
4. Annagoo ah Hogaamiye Dhaqameedyada Puntland waxa aan Gogol Nabadeed mar labaad u fidinaynaa Hogaamiye dhaqameedyada Soomaaliland, waxaanu diyaar u nahay inaanu annagu u tango haddii ayna iyagi imaan Karin Puntland si looga wada hadlo dhibaatada taagan.
5. Waxaan soo jeedinaynaa in Maamulka Puntland Maxaabiista uu hayo ku wareejiyo Hay’adda ICRC, sidoo kalana in Maamulka Soomaali land maxaabiista uu hayo uu ku wareejiyo isla Hay’addaasi ICRC si la isu weydaarsado.
Waxaan Eebe ka rajaynaynaa in baaqaan la ajiibo,
Wabillaahi Tawfiiq.
Waxaa ku saxiixnaa Isimada Shirka u fadhiya oo 50 xubnood kor u dhaafayay.